Xidiga khadka dhexe ee kooxda Chelsea, Frank Lampard ayaa daboolka ka qaaday inuu ka dhaqaaqayo naadigaasi xagaan, kadib 13 sanadood oo uu soo joogay garoonka Stamford Bridge ee magaalada London.
Laacibka xulka qaranka England, ayaa u saftay kooxda the Blues 648 kulan tan iyo markii uu uga soo wareegay kooxda West Ham United sanadkii 2001-dii, isagoo dhigay rikoodhka goolasha ugu badan oo u dhaliyey Chelsea 211 gool , laakiin tababare Jouse Mourinho ayaa iska indho tiray inuu halyeygan u kordhiyo heshiiska uu kooxda kula joogo.
Da’diisa oo 35 jir ah , hadana Lampard waxay caqabad kala soo daristay inuu cidhiidh sado booska uu ciyaaro xili ciyaareedkii dhamaaday ee 2013-14, waxaanu safka hore ku soo gallay 20 kulan oo kaliya, taas oo sababtay in suuqa la galliyo xanta ah , inuu ciyaaraha ka fadhiisanayo kadib koobka aduunka, xanta qaarka yidhaahdaan wuxuu u socdaa horyaalka Maraykanka ee MLS.
“Markii aan ku soo biirayay kooxdan la yaabka leh , 13 sanno ka hor , marna ma filaynin inaan ciyaaro sidaas u tiro badan u safan doono, guulo sidaas u faro badana la gaadhi doono, naadigani wuxuu noqday qayb noloshayda kamid ah.” Ayuu Lampard ku yidhi qoraal uu soo saaray.
“Roman Abramovich, Ninka badbaadiyey naadigayaga, ee dhamaantayona darajada sare na gaadh siiyey. Damaciisa ku cadaadinta kooxda ee Heerka ugu sareeya ee dunida kubada cagta ah ayaa qof kasta meesha ku dhejisay.’’
Qoraalka uu dheeraa , wuxuu Frank ku so oaf meeray , mahad naq , waxaanu yidhi : ‘’ Waad ku mahadsan tihiin xusuusta igu dheer , siina haya jidka taariikhda cusub.’’