Guddida Xasuuqyada Somaliland oo doonaya in loo soo wareejiyo lafaha dadkii lagu laayay Jasiira…
Hargeysa(GNA)-Dadka reer Somaliland ayaa dib u xasuusanaya xasuuq ba’an oo 25 sanaddood ka hor lagula kacay dad rayid ah, oo ay ku laayeen ciidamadii dawladdii Milteriga ahayd ee Siyaad barre Magaalada Hargeysa ee caasimadda waddanka gooni-isutaaga dawladnimo ku 23 jirsaday.
3 bisha June, ayaa loo aqoonsaday Maalinta xasuuqyadii Somaliland ka dhacay intii ay socdeen Dagaaladii laga soo horjeeday nidaamka Siyaad Barre, sida lagaga dhawaaqay Munaasibad dawladda lagu dhaliilay doorka ay kaga soo qayb-gashay oo ka dhacday Magaalada Hargeysa.
31 May ee sanadkii 1988-kii ayaa xoogagii SNM mataaneeyeen Weerarradii ay ku soo galeen waddanka, waxaanay Dagaal naf huridnimo ku jirto ku soo galeen Magaalada hargeysa oo xiligaa Talis u ahayd Maamulkii Gobollada waqooyi xukumeyey iyo Ciidamada.
Weerarkaasoo ay SNM goor habeenimo ah si lama filaan ah ugu bilaabeen Taliska qaybtii 26-aad ee Ciidanka Soomaaliya ayaa Albaabka u furay dagaalo qadhaadh oo ay labada dhinac ku wada galeen Hargeysa iyo goobo kale oo aan ka fogayn, kuwaasoo sababay in Milaterigii dawladdu xasuuq kula kacaan shacbigii degenaa Magaalada oo badankoodu ka qaxay markii dushooda laysku qabsaday.
Xasuuqyadii dhacay xiligaas, ayaa dhawr iyo tobankii sanaddood ee ugu dambeeyay dadkii lagu laayey lafahooda badhba meel laga soo guraa, si dib loogu aasso, waxaanay hawshaas ku bilaabantay dacwad dibada laga furay kuwii bixiyey amarka dadkaas lagu xasuuqay .
Guddida Baadhis Xaasuqa
Guddida Baadhista Xasuuqyada oo Somaliland laga sameeyey dhawaan ayaa sheegay inay 3 June tahay Maalin qaran oo ku biiraysa dharaaraha ku xusan halgankii dalka lagu xoreeyey, sida ay sheegeen.
Guddoomiyaha guddida baadhista Xasuuqa somaliland Khadar Axmed Like oo ka hadlay furitaankii munaasibada xalay la qabtay ayaa ka waramay sida ay 3june ku timi.
“Sababta maalinta 3da juun loogu asteeyay maalinta xasuuqa somaliland,kolay gudi badan ayay waraysteen waxaana ay u qaateen in maalinta loo aqoonsadao maalinta xasuuqii ka dhacay wadanka somaliland,3da juun waxa ay ahayd maalintii dadkii ugu badnaa la xasuuqay inkasta oon hadan tiradoodu si rasmi ah loo hayn hadana waxa lagu qiyaasaa Konta Kun Oo Qof,sida loogu aqoonsadayna waa sidaas”.
Guddoomiye Like ayaa intaasi ku daray “waxaanu haynaa muuqaalo duuban qoraal iyo dad hada nool oo mar khaatiyaal ah,waxaana uu sheegay in ay sii wadayaan inta ay ka gaadhayaan xaqiida dhabta ah ee dadka la xasuuqay,waxa kale oo uu ka shekeeyay xabaalo wadareedyo badan oo lasoo faqay qolfoofkii dadkii lagu xasuuqay oo dhakhaatiir caalami ahi baadhitaan ku sameyeen waxaana uu sheegay in ay muhiim tahay in ay gudidu tageero iyo awoodba u hesho sii wadista hawshaas Culus loo xaqiijin lahaa.
Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mid ah inta ka nool aasaaseyaashii SNM, xilal wasiirnimona ka soo qabtay Somaliland, ayaa isna ka hadlay xusuusta xasuuqyadii dhacay loo sameeyey.
“sababta aynu u goosanay waxa ay ku xidhnayd inta badan xasuuqii ka dhacay wadanka,wixii inaga gaadhay wixii laynaga dhacay kol kaas waxa weeyaan in maalintaas la wayneeyo oo lasiiyo waxa ay mudan tahay maalintani,waxaana fiican in la xasuusto dadkii inaga dhintay kuwii inaga dhaawac may maalinta iyo ubadkii ku agoomoobayba, in la xuusto ayaa waajib ah lakiin waxa nasiib daro ah in ay ka muquurteen masuuliyiintii xukuumada ugu mudnaa oo aan kasoo qayb galin waana wax laga naxo.
Maxamed xaashi oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi ku daray”waa waajib ina saraan dadkani waxa ay u dhinteen oo ah waxa aynu maanta dalka ku joogno oo ah nabada,waana waxa lagu yahay madaxwaynaha, waaan waxa lagu yahay wasiirka waana waxa aynu xoriyada u haysano ee dalkii maanta aad arkayso nabada ka islaaxday,waxaana loo baahan yahay dadkii u dhintay in loo sameeyo meelo lagu xasuusto geesiyaashii naftooda u huriya somaliland, inta joogtana nolol fiican ay ku noolaadaan”.
Xafladaas waxa ugu dambeyn ka hadlay Wasiirka wasaarada cadaalada Somaliland Xuseen Axmed caydiid, kaasoo ku nuux-nuux saday kaalinta ay xukuumada uu hogaamiyo madaxwaynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uga qaadatay buuxinta kaalinteeda kaga aadanayd ka midho dhalinta yoolkii SNM u soo dagaalantay.
“runtii waxa aynu xusaynaa maalin qaran oo shacabka reer somaliland meel kasta oo ay joogaan xasuusan yihiin,waana saddexda juun ee lagu calaamadiyay 1988 maalintii 3dii juun waxaana ay ahayd maalin jimce ah waxaana jimcihii xigay soo galay Ururkii SNM Magaalada burco 27kii may oo ahayd maalin jimce ah labaadaas jimce waxa u dhaxmeeyay laba dhacdo oo waawayn oo ahayd Qabsashadii jeelkii waynaa 12nad ee cadaalada waxaana ku xigtay soo galitaankii magaalada hargaysa oo Iyana 31kii may ahayd waxaana uu todobaadkaasi uu ahaa wiigii uu gariir badnaa”ayuu yidhi Xuseen Axmed Caydiid.
Maalintan ayaa ku beegan sanad guuradii koowaad ee ka soo wareegtay aasaaskii Guddida xasuuqa ee Heer qaran.
Laakiinse dadka reer Somaliland waxay tebayaan sababta loo xusi weeyay 27 May iyo 31 May oo ahaa maalmo ku suntan furihii Guulaha SNM ku qabsatay dalka.
Khaalid Xamdi Maxamed
Gobanimonews
Hargeysa Office