Tafaftiraha Wargeyska Xayiran ee Haatuf Axmed Cali Cigge, ayaa waraysi uu siiyay Ideecada Hilaac kaga waramay xaaladihii ay ku sugnaayeen xilligii ay xabsiga ku jireen isaga iyo Mulkilaha Wargeyskaasi Yuusuf Cabdi Gaboobe.
Cigge iyo Gaboobe ayaa muddo bilo ah ku xidhnaa xabsida Hargeysa iyo Gabiley, kaddib markii la xidhay, wargeyskoodana la xayiray.
Waxa uu sheegay inay ahayd xaalad qalafsan oo dhibaato badan ay kala soo kulmeen, iyadoo uu tilmaamay inuu ku arkay dhacdooyin badan oo xusuusinaya mar kasta nolosha adag.
waxa uu Tafaftiruhu waraysigan bixiyay, iyadoo maalmahan xanuun u jiifay Guddoomiyaha Wargeysyada xayiran ee Haatuf iyo Somalilandtimes, Yuusuf Cabdi Gaboobe.
Gaboobe ayaa u jiifa dhibaato caafimaad oo kala soo deristay xabsiga.
labadan Suxufi ayaa cafis madaxweyne lagu saamaxay Bishii Jully badhtamaheedii, kaddib markii Maxkamadi ku riday xukun isugu jira Xabsi iyo Ganaax lacageed.
inkasta oo suxufiyiinta xoriyadooda loo soo celiyay, wali waxa xidhan wargeyskii la xayiray oo ay Maxkamaddu xukuntay Ruqsad kala noqosho
Halkan ka dhegeyso Waraysiga Tafaftiraha:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Dhacdada-Maanta-AXmed-Iyo-Jawhar-.mp3"][/audio]