Muuse Biixi oo Tahniyad u diray Ardayda Jaamacadaha ka qalin-jabisay
Hargeysa(GNA)-Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa , Gudida fulinta , Golaha Dhexe iyo dhamaan xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga kulmiye wuxuu hambalyo balaadhan u dirayaa dhamaan Waalidiinta, Macalimiinta iyo Ardayda ka qalinjabiyay sanadkan guud ahaan jaamacadaha dalka jamhuuriyada Somaliland kuwa ay xafladohoodii qalinjabinihu qabsoomay iyo kuwa sugayaba.Wuxuu gudoomiyuhu ku boogaadinayaa samirkii iyo dadaalkii ay soo sameeyeen oo ay maanta bilawga midhihiisii goosanayaan, isagoo ku boorinaya inay halkaa kasii wadaan dadaalkaa.Gabagabadii wuxuu gudoomiye Biixi u rajaynayaa dhamaantood Mustaqbal wanaagsan iyo inay noqdaan kuwii cilmigaa ay barteen ku anfaca dalkooda, dadkooda iyo diintoodaba. HAMBALYO HAMBALYO HAMBALYO ALLAH MAHAD LEH Gudoomiyaha Xisbiga KulmiyeMd. Muuse Biixi Cabdi