Tuesday, September 2, 2014

Isuduwayaasha Wasaaradaha oo Noqday Arradka Ugu Xun Ee Haysta Xukuumadda Siilaanyo


[caption id="attachment_94314" align="alignleft" width="300"]qoraaga maqaal qoraaga maqaal[/caption]Dadka ayaa indhaha la raaca markuu suuqa marayo , waxa uu xidhan yahay dhar bilicsan oo aad u qurux badan marka laga soo bilaabo shaadhka iyo surwaalka uu ku labisan yahay .




 




Balse bulshadu kala fiiro  badane waa kuwa qaar qaybihiisa kala duwan ee labiska si dheer isha ula raacay , lawada dhece oo u boge hubqaadkiisa .




 




Xayawaanka Daa'uuska loo yaqaano ayaa alle  SWC kumanaystay qurux qoto dheer balse iin  looga dhigay Nabarka Boogta ku sejelan isaga .




 




Wuxu bilicsamaaba waxa iin iyo boog looga dhigay kabaha uu sito oo iyagu markaasi noqday kuwo karkaran oo duugoobay .




Waxan uga gol leeyahay Xukuumada Uu Madaxda ka yahay Mudane Axmed Maxamuud ayaa noqotay Xukuumada Dalka u horseeday hurumar laxaad badan kaasi oo kafeeyay dhamaanba qaybaha kala gedisan ee baahiyaadka bulshada gobol degmo iyo tuulo .




 




Marka Aan Soo Koobo Xukuumada Ayaa Markii ugu horaysay ku guulaysatay inay ku talaabsato dhacdooyin badan oo aan hore wadanka uga dhicin  sida inay tagto deegaamo dalka Somaliland kamida oo aanay waligeed intii xukuumadai jirtay cagba dhigin waxan dhacdooyinkaasi  wada  noqdeen kuwo taariikhda Baal Dahab ah kaga qormay.




 




Dawladu Waxay koobsataa Qaybo kala gedisan Sida Fulinta , Sharci dajinta Iyo Garsoorka .




Qaybahaas ayaa qaranka horumarkiisa nusqaan ku keeni kara , horumarkiisa iyo guusha himilada uu higsanayona taabo galin kara  .




Hadaba marka aan mawduucayga  hoos ugusii daadago , tusaale Fulinta oo ka kooban Madaxweynaha iyo Golihiisa wasiirada .




Wasiiradahu waa kuwa kaliya ee fuliya ka dhabanta horimarinta haminga hogaanka wadanku doonayo inuu qaranka uu masuulka ka yahay gaadhsiiyo .




Wasiir waliba waxa uu isna sii magacaaba masuuliyiin kala gedisan oo ka hawl gala wasaaradiisa gobol iyo degmoba .




Hadaba Mas'uuliyiinta  Iyo Isuduwayaasha gobolada ayaa wakhtigan ay joogto Xukuumada Uu hogaaminayo Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Ayaa ah kuwa boqmaha haya horumarinta qaranka laga soo bilaabo tuulo degmo iyo gobolba .  




Waana kuwa kaliya ee caadaystay inay fadhiga ku  laba canleeyay mushaharka ay ka qaataan dawlada  iyo habqan ku daadadka musuqmaasuqa  baahsan ee  hantida dawlada kasoo   gasha gobolada iyo degmooyinka dalka .




Waxaana taasi hadii ay sidaasi kusii socoto wadanku noqon karaa sidii noole xaga hoose uu kasoo kalay Virus dilaa ah oo nooluhu udhinto .




 




Markaan Si toos u cadeeyo ugolyeeladka Maduucayga , Gobolka Kaliya ee Isuduwayaashiisu Gebi ahaanba sidaasi caadaysteen ayaa ah Gobolka Sanaag .




Waana sababta Maanta La odhan karo way kareebtay gebi ahaanba gobolada dhigiisa ah iyo kuwa kasii yar-yarba .




Waxa Kow ka noqonaya dardar galinta iyo dabar goyinta arintaasi Badhasaabka Gobolka sanaag Mr Ramaax .




Waana  Shakhsiga Kaliya Ee wadkhtigan la odhan karo waa Dr-ka Ikhtiraaci kara buskiinyaha daaweynta Viruskaasi  .




Isaga ayaana Looga fadhiyaa inuu La tashi buuxa kala yeesho dhamaan wasiirada wasaaradaha kala gedisan ee ka hawl gala gobolka sanaag .




 




W/Q: Cabdiraxmaan Ismaaciil Siciid 




  




Email:    Snt1113@hotmail.com / 




Tell:   +252634432659