Si rasmi ah looma garanayo sababta ugu weyn ee ka dambaysa afduubka carruurtan, waxaana qaarkood laga soo qabtay gobalada bari ee dalka. Waalidka qaarkii ayaa ku doodaya in afduubka carruurtu uu la xidhiidho xubnaha muhiimka ah ee jidhkooda oo la doonayo in lagala baxo si looga ganacsado, halka ay qaar kalena arrimo kale ku doodayaan.
Ciidamada Booliska Somaliland oo arrimahan si dhow ula socda, ayaa la sheegay inay wadaan baadhis ay ku hayaan afduubyadan la soo werinayo, waxaanay waraysiyo kala duwan la yeesheen carruurta sheegaysa in falalkaas lagula kacay.
Waalidka ayaa si weyn uga war-warsan arrimahan carruurta la soo dersay, “Waxaanu noqonay gaadhy oo marka ay carruurtu iskuuulka ku sii socdaan iyo markay ka soo socdaanba waa inaanu daba soconaa si aanu uga ilaalino balaayadan la sheegayo.” Sidaas waxa yidhi mid ka mid ah waalidiinta reer Hargeysa.
Si kastaba ha ahaate magaalada Hargeysa oo marba marka ka dambaysa sii balaadhanaysa ayaa dhibaatada noocan ah ee ku soo korodhay waxay noqonaysaa arrin halisteeda leh oo soo waajahday guud ahaan umadda.