Anigoo aad uga xun hadalkaas ka soo yeedhay Buurmadow waxaan xaalka ka siinayaa Beesha Samaroon oo aan u arko inay dalka xaq iyo xuquuq badan ku leeyihiin, iyaga Beelaha Bariga ee cabanaya.
Waxaanan u sheegayaa Boqor Buur-madow inay Beesha Samaroon ee uu dhaleeceeyay xaq u leeyihiin inay sheegtaan wixii xaq iyo xuquuq kaga maqan dawladda iyo cid kasta, taasoo ah arrin dastuuriya oo ay xaq u leeyihiin iyaga iyo beelaha kale ee darafyadu.
Hadaba waxaan Boqorka u soo jeedinayaa inuu ka waantoobo hadalada aan munaasibka ahayn ee uu kula dhacdhacayo dadka kaaramada iyo qiimaha ka mudan dalka.
Waxaanan mar kale ku celinayaa in beelaha Sool iyo Awdal saami badan oo ay lahaayeen dawladda kaga maqanyahay, xaqna u leeyihiin inay ka hadlaan oo ay doontaan.
Alla mahad leh
Boqor Axmed Maxamed Xasan (Bad-madow)