Tuesday, June 3, 2014

Xukuumadda Siilaanyo Waxay Xidhay Wasiir Ku Xigeenkii Amniga Markii Uu Yidhi Todobaad Kasta Waxaa Sheegayaa Xog la Xidhiidha Xidhiidhka Xubno Ka Tirsan Golaha Wasiirada Xukuumada Siilaanyo ay Lan Leeyhiin Ururada Xag-jirka?


Wasiir ku xigeenkii hore ee amniga xukuumadda Siilaanyo oo todobaadki hore la xidhay,ayaa waxa xadhigiisa ka soo baxaya tuhuno la xidhiidha cabudhin ay xukuumada siilaanyo saaraysay wasiir ku xigeenka C/laahi Abokor oo la xidhiidha kadib markii uu daaha ka fayday in xubno wasiiro ah oo awood badan ku dhex leh qasriga madaxtooyadda Somaliland,ay xidhiidh la leeyihiin kooxo iyo ururo islaamiyiin ah oo xag jir ah, iyadoo uu wasiir ku xigeenka oo shir jaraa’id u qabtay saxaafadda uu sheegay in uu todobaad kasta warbaahinta siindoono xogo dheeraad ah oo la xidhiidha xidhiidhka ka dhaxeeya xubno golaha wasiirada ee xukuumadda siilaanyo ka tirsan ay la leeyihiin kooxaha xaag jirk ah.




Hadaba shacabka Somaliland ayaa waxay la yaabeen sida deg dega badan ee markiiba wasiirka habeen badh loogu weeraray  gurigisii,iyadoo xukuumadu awoodi karaysay inay waaran maxkamadeed u soo jarto, oo sidaasi maxkamadda looga yeedho oo hadii ay maxkamadu xidhayso iyo hadii ay siidaynayso intaba loo daayo maxakamadda,balse waxa dhacday in weerar u eek kuwa ay qaadaan argagixisadu lagu qaaday gurigii wasiir ku xigeenkii hore ee amniga C/laahi Abokor,arintaasi ayaa waxay keentay shaki ku saabsan sidii ay xukuumadda siilaanyo u cabidhin lahayd wasiir ku xigeenka sidii uusan fursad ugu heli lahayn in uu faah faahin warbaahinta ka siiyo xidhiidhka xubnaha wasiirada ee qasriga madaxtooyadda Somaliland ay la leeyihiin kooxaha xag jirka ah.




Tan iyo markii xukuumadda uu hogaamiyo siilaanyo talada dalka qabatay ayaa waxa soo baxayey tuhuno ku saabsan wasiiro ka tirsan golaha wasiirada ee xukuumadda siilaanyo oo xidhiidh la leh,ururada xag jirka,inkasta oo ay tuhunadaasi jireen,ayaa hadana waxaa shaaca ka qaaday wasiir ku xigeenkii hore ee amniga oo sheegay in uu isagu hayo xogo dhan ah oo daliil u ah xidhiidhka ka dhaxeeya xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo rurada xag jirka ee ka dagaalama somaliya iyo meelo kale oo aduunka ah,waxayna dadka ka foolaado arimaha siyaasadu sheegayaan in ay waajib tahay in dalka laga qabto doorashooyin waqtigoodii laga soo hor mariyo, isla markaana cadaadis la saaro xukuumada siilaanyo sidii ay isku casili lahayd si dalka loo badbaadiyo.




By: Ayaan Maxamed Cali




Berbera/Somaliland