Tuesday, June 3, 2014

Waxaan ka Xumahay in Sawirkaygu Noqdo Wax Cidwalba Adeegsato Anigu ma Ihi Nin Qabiil Waxaan ahay Nin Qaran Cidna (Beel,urur iyo Xisbi) kuma Matalo Qoraaladayda iyo Maqaalada ii gaarka ah.


Wax aad iiga yaabisay maqaal lagu baahiyay Caynaba News oo beelaysan, arinta xusida mudan waxay tahay waxa la adeegsaday Sawirkayga. wax aan ka ogahay oo aan kala socdo Warsaxaafadeedka noocaas ahna muu jirin. waxan ahay shakhsi ku hawlan hawlihiisa gaarka ah reer iyo ururtoona afhayeen uma noqon karo. hadaan anigu dawlada dhaliilayana reer kuma soo gabadeen ee waxaan hayo sidii caadada ii ahayd ayaan afkayga iyo magacayga ku dhaliili lahaa anoon cidna ku soo dabo gaban.




Ma ihi Dadka qalinka u adeegsada kicinta dadka iyo u adeegida danaha qabiilka ee aynu ognahay maanta halka ay ina gaadhsiisay arintaasi. Ma ihi shakhsi ku dhex-milmay siyaasadaha qaribmay




 




ee dalka xisbi cayiman oo aan taageeraana ma jiro. Muxaafid iyo Mucaarid toona ma ihi.




Waxaan ahay qof xor ah oo madaxbanaan, waan hambalyeeyaa guulaha ay dawladeenu ku talaabsato sidoo kalena waan cambaareeyaa waliba si caafimaad qabta god daloolooyinka iyo gafafka ka dhaca dawlada.sidoo kale waxaan ka tirsanahay bahda qalinka iyo akhriska xiisaysa. waxaan ka codsan lahaa warbaahintu inay wax hubsadaan iyaga laftooda sumcadooda ayaa ku jirta daganaanshaha.




 




Ka Maxamedshakir ahaan waxaan isku haystaa in aan ahay nin Qaran markastana waxaan iska ilaaliyaa inaan noqdo Nin Qabiil.




 




24-saacadood gudahood raali galin ayaan uga fadhiyaa Caynaba News hadii kale waxaan u arkayaa inay iyagu adeegsadeen, waayo warkaa beelaysan kuma koobna kooda oo kaliya uu ku jiraa warbaahinta kale sawirkaygana may




adeegsan ee sidii ay dadkaasi ugu soo direen ayay ugu soo galiyeen. maxaa keenay in ay Caynaba News sawirkayga ku iib geeyaan warka noocaas ah ?




Akhristayaashayda iyo Asxbtayda sharafta leh iyo cid kasta oo dhibsatay Bayaankaas iyo sawirkayga la iga been abuuray raali galin ayaan u dirayaa.




‘’Uf qabiilka anaa leh ‘’ Gaariye A.H.N.




 




Maxamedshaakir Siciid Cabdi (Shaakir)




 




Hargaysa.