Xubno (Gobanimonews)1/6/2014 ka mid ah Wax-garadka,dhalinyarada, Aqoonyahaynka eek u dhaqan Degmadda Axmed Dhagax eee magaaladda hargeysa oo ay weheliyaan Masuuliiyin Siyaasiyiin iyo Xildhibaano kala duwan oo Aqaladda Baarlamaanka ka tirsani ayaa si weyn u taageeray Murashaxnimadda Madaxweyne Axmed Maxamed (Siillaanyo)
Shir Jaraa,id oo ay manta ku qabteen Wax-garadka,dhalinyarada, Aqoonyahaynka iyo Siyaasiinta Degmadda Axmed Dhagax eee magaaladda hargeysa ka soo jeeda Huteel Hadhwanaag ayey si weyn ugu soo dhaweeyeen murashaxnimadda Madaxweyne Axmed Maxamed (Siillaanyo) oo ay sheegeen inay si buuxda u taageersan yihiin taageero weyna u hayaan.waxanay difaaceen in uu madaxweynahu xaq distoori ah u leeyahay in uu isa soo sharaxo 5 ta sanno ee soo socda doorashadda 2015 dalka ka dhicidoonta isagana ay taageeri doonaan.
Dhamaan Siyaasiyiintii iyo Madaxdhaqamedkii iyo Aqoonyahankii madasha ka hadlay ayaa si weyn u muujiyay in Muhiimadda ay leedahay Dhawrida Nabad galyada ay Somaliland Maanta ku naaloonayso iyo ilaalinteedu ay tahay muqadas ,iyaga oo Tilmaamay in laga soo Gudbay Wakhtigii Qoriga iyo Hubka laysku muquunin jiray haatana la maro in Qofku uu Codkiisa wax ku soo goosto isla markaana Waxay tilmaameen inay si weyn u soo jiidatay Waxqabdka laxaadka leh oo ay sheegeen in uu Madaxweyne Siilanyo Dalka ka sameeyay Mudadii Xilka Qaranka
Xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in nabadgelyadda Somaliland dhan looga soo wada seesto isl amarkaan cid kasta oo wax yeelo iyo dibin daabyo ku wada wax laga wada qabto waxanu sido xildhibaanku sheegay inay ka deegaan iyo dad ahaan madaxweynaha ku taageersan yihiin in uu isaga soo sharaxo doorashadda 5 ta sanno ee soo socota isal markaana uu xaq distoori ah u leeyahay in uu isaga soo sharaxo aadna ay arintaasi ugu taageersan yihiin iyagu madaxweynaha waxanu ugu dambeyntii dig niin u diray dadka falalka amni darada ah magaaladda hargeysa ka wada maalmahii in dhaafay isaa oo u soo jeediyey inay ka waan toobaan arintaasi ?
Siyaasiga Maxamed Ibraahim Qabo oo isna shirkaasi jaraa,id ka hadlay ayaa sheegay inay si weyn u taageersan yihiin dadka reer axmed dhagax murashaxnimadda madaxweynaha ee doorashadda 5 ta sanno ee soo socota isla markaana ay waxqabadka xukuumaddiisu taageero ugu filantahay iyaguna ka reer Axmed dhagax ahaan ay ku barbartaagan yihiin
Wariye Khaalid Xamdi Axmed
Gobanimonews@gmail.com
Hargeysa Office/Somaliland