Dib u dhacyada Magaalada Laascaanood waxa ka mid ah Dab-damis la’aanta
Laascaanood(GNA)-Ugu yaraan afartan ruux ayaa dhaawacyo ka soo gaadheen dab ka kacay Kaalin shidaal badhtamaha Magaalada Laascaanood, waxaana saddex qof ka soo gaadhay dhaawacyo culus.
Warar goor dambe soo baxay ayaa sheegaya inuu hal qof ku dhintay dhacdadan.
Dabkan ayaa ka dhashay foosto uu shidaal ku jiray oo naqasku ku xidhmay sida uu warbaahinta u sheegay, Cabdi Cali Xirsi (Cabdi Bafle) oo goob-jooge ahaa.
Dhawaan ayay ahayd markii Kaalin shidaal uu dab qabsaday Magaalada Hargeysa , taasoo khasaare xoogani soo gaadhay.
Dr. Axmed Caddaani oo rug caafimaad ku leh goob aan ka fogeyn halka dabkani ka kacay ayaa sheegay in 40 ruux lagu daaweeyay goobtiisa oo saddex ka mid ahi dhaawacyadoodu culus yihiin, waxaana uu intaas ku daray in ay u badnaayeen gurmad.
Dadkii ka agdhawaa goobta Kaalintu ku gubatay ayaa ka qaxay, iyagoo ka cabsooday inuu dabku ku sii fiddo.
Dab damis la’aan
Liidashada adeegga dab-damiska ee Magaalada Laascaanood ayaa qayb ka ahaa in dabka hore loo bakhtiin kari waayo, keenan khasaare faro badan.
Guddoomiyaha guddiga ganacsatada gobolka Sool, Cabdirisaaq Axmed Warsame (Dhabayaco) ayaa sheegay in sababta ugu badan ee qasaarahan keenatay ay tahay dab-damis la’aan, isagoo ganacsatada ugu baaqay inay hawshaas u kacaan.
Suuqyada Ganacsiga ee Magaaladaas ayaa cidhiidhi ah, islamarkaana u badan dhismeyaal macbal ah oo Jiingado ka samaysan.
Sidoo kale dhismeyaasha Qadiimiga ah ayaa ku badan Magaaladan oo lixdii sanadood ee ugu dambeeyay faran milateri dhinac ka ahayd.
Dawladda hoose ee Degmada ayaan inta badan ka shaqayn horumarinta adeegyada Bulshada,waxaana tafaraaruq ku yimi Golihii deegaanka ee Magaalada oo qaarkood horaantii sanadkan u baxsadeen Garoowe.
Waxyaabaha kale ee sababta u ah dib u dhaca Magaalada, waxa ka mid ah kala qaybsanaan siyaasaddeed oo muddo soo jiitamaysay.
Gobanimonews
Laascaanood Office
Email: editor@gobanimonews.com m