Hargeysa(GNA)-Fadhi ay shalay yeesheen guddida cadaaladda somaliland ayaa lagu eryey ilaa 23 garsoore oo ka hawl geli jiray Maxkamadaha dalka.
Talaabadan ayaa timi baahi weyn loo qabo isbedel lagu sameeyo Garsoorka, kaasoo ay dadka u dhuun daloola bahda cadaaladu, ay aamisanyihiin wax ka bedel qaran lagu sameeyo.
Cabashada Garsoorka ayaan ku koobnayn Garsooreyaasha ka hawl-gala Maxkamaddaha hoose, laakiinse Guddida lafteeda bulshadu ka qabtaa, taasoo hadii ay jirto aan dariiqa ka duwan Mushkiladii jirtay.
Guddida, ayaa la sheegay inay isku shaandhayn ku sameeyeen garsoorayaasha iyo guddoomiyayaasha maxkamadaha, kadib markii lagu soo samayeeyey qiimayn.
Ma jiro war faahfaahsan oo ay ka soo saareen Guddidu talaabada ay qaadeen, laakiinse xogo warbaahintu heshay, ayaa intaasi ku daray inay arrintan u sameeyeen si ay maaro ugu helaan mushkilada lagu dhaliilayo inay qayb ka yihiin.
Guddida Cadaaladda
Guddidan oo dhisme ahaan ka kooban 7 xubnood oo ka kala yimaadda waaxyaha garsoorka iyo Hay’addo kale oo dawli ah, waxa guddoomiye u ah Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.
“Guddida Cadaaladda hadaan cabasho u gudbiyo waxa haysta Ninkii Maxkamadda sare haysto oo Kiiskayga ku camaalaqay Maxkamadda gobolka, go’aanka ka soo baxaana hadii uu noqon waayo siduu rabo wuu hor-istaagayaa”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay Mawaadin cabasho ka muujiyey faro gelin Guddoomiyaha Maxkamadda sare ku sameeyey kiis Medeni ah oo Maxkamaddaha hoose kaga jiray.
“Dalku wuxuu doonayaa Garsoor madaxbanaan, hadii la waayana dawladnimadu waxba tari mayso”ayuu yidhi Cali Maxamed Xasan oo ah Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee Xisbiga UCID.
Si kastaba ha ahaatee siyaasad lagu dhiso garsoor ka madaxbanaan waaxda fulinta ayaa Somaliland ka ah baahi muddo dheer taagnayd oo aan wali maaro loo helin.
Madaxweynaha hada talada haya oo isku dayo uu sameeyey ku muujiyay inuu tayeynayo Hay’addaha Garsoorka ayaa laga cabanayaa inay xukuumaddiisu soo faro geliso Dacwaddaha ka socda Maxkamaddaha hoose oo ay ka mid yihiin kuwa Saxaafadda iyo Masuuliyiinta dawladda u dhexeeya.
Gobanimonews
Hargeysa Offic
Email: editor@gobanimonews.com