Darusalam(GNA)-Barnamijka horumarinta qaramada midoobey (UNDP) ayaa tababar uga bilowday askar katirsan booliska tanzania si ay ugu diyaar garoobaan dorashada 2015, ka dhaci doonta dalkasi.
Tababarkan ayaa wuxuu ka furmay xarun boolisku ku leeyahiin caasimada dalkas ee daresalam.
Barnamijkan ayaa waxu socon doona mudo labo todobaad ah, waxaana tababarkan u jeedkisu tahay sidii kor looguqadi lahaa xirfada ciidamada booliska ee dalka Tanzania.
Tababarkan ayaa waxa bixin doona 8 sarkaal oo ka socda dowlada ingiriska waxana ka qayb qaadan doona 88 sarkaal oo katirsan booliska tanzania kuwaas oo laga kale keeney gobolada dalkaas.
Abdirahmaan buurdhaab
Gobanimonews
East Africa Office / Nairob
buurdhaab4@gmail.com