Sunday, July 6, 2014

Somaliland: Xirsigii C/raxmaan Saylici oo Dib loogu magacaabay Wasiir buuxa


Ma ogtahay in Madaxweyne Siilaanyo mar kale dib u magacaabay Saddex Masuul oo uu xilka qaaday sanad iyo badh gudihii?




Cali xam SaylicissHargeysa(GNA)-Cali Xaamud Jibriil Wuxuu ahaa muddo ka badan saddex sanaddood Wasiir ku-xigeenka Waxbarashada,waxaana xilkaasi hayntiisa  u dheerayd isku dhawaanshiyaha Madaxweyne ku-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici oo uu ahaa Xirsigiisa gaarka ah.




Madaxweyneha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa u magacaabay Wasiirka xidhiidhka Goleyaasha oo uu dhawaan ka qaaday Nin siyaasadda ku cusub oo uu wakhti aan fogayn u magacaabay Wasaaraddaasi.




Saddex Wareegto oo  maanta laga soo saaray Aqalka Madaxtooyadda oo uu Siilaanyo dhinaca kale, ku magacaabay Gobol cusub iyo Ciidanka Dab-damiska Qaranka , ayaa mid ka mid ah lagu xaqiijiyay Ninkan ku soo noqday Golaha Wasiirada.




Magacaabista ayaa u dhignayd sidan:




“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2622/072014 ku magacaabay Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda ee Jamhuuriyadda Somaliland.




 




Madaxweynuhu:-




 




Markuu Arkay:            Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;




Markuu Tixgeliyey:     Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;




Markuu Arkay:            In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda ee JSL;




Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;




Markuu ku Qancay:    In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;




 




Wuxuu go’aansaday




 




In Mudane, Cali Xaamud Jibriil, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda ee Jamhuuriyadda Somaliland.




Magacaabis micno ku fadhida




Magacaabista Cali Xaamud Jibriil ayaa micno badan u samaynaysa Madaxweyne ku-xigeenka iyo Taageerayaashiisa Gobolka Awdal.




Waa nin Xisbiyahan ah oo dhiiran, waxaana lagu yaqaanaa Olole joogto ah oo uu had iyo jeeraale ku qaado Gobolka Awdal marka xaaladi soo korodho.




Waxa uu kaalin mug leh ku lahaa dhaqdhaqaaqii lagu diidanaa caleemo saarka Ugaaska guud ee Beelaha Gobolka Awdal iyo ka hortagii Maamulkii la baxay Awdal State.




In dib loo magacaabaa waxay caddeynaysaa inaan markii horeba kiis lagu eryin ama iminka dib loogu soo celiyay arrimo siyaasaddeed.




Dhinaca kale, wuxuu noqonayaa masuulkii saddexaad ee inta uu madaxweyne Siilaanyo eryo hadana muddo kaddib dib loo magacaabo, waxaana la mid Wasiirkii hore ee Xanaanada Xoolaha Axmed Xaashi Oday oo dhawaan Komishanka Mihnadleyaasha Caafimaadka loo dhiibay iyo Guddoomiyihii hore ee Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax oo Badhasaabka Sanaag laga dhigay.




Laakiinse waxa xusid mudan in Cali Xaamud Jibriil magacaabistan dambe xil wasiirnimo buuxda loo dhiibay.




Waxa uu waajihi doona waaqica dhabta ah ee haatan Golaha Wasiirrada xukuumadda dhexdooda yaalla, iyadoo uu si firinfircoon aragtiyaha ku-xigeenka ee arrimaha maamulka uu Golaha wasiirrada uga dhex wadi doono, isla markaana dhanka siyaasadda uu ka shidaal qaadan doono Saylici.




Sababtoo ay tahay Saylici waa ninkii uu tan iyo markii uu xukuumadda soo galay uu gacan yarihiisa ahaa.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com