Dawladda oo shaacisay in shacbiga iyo Laamaha amnigu iska kaashanayaan sidii looga takhalusi lahaa. Hoos ka Daawo Sawirrada Shir 726 Sarkaal Maanta loogu qabtay Muqdisho oo war laga soo saaray.
Muqdisho, July, 05, 2014.(GNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed oo ay wehliyaan xubno ka tirsan golihiisa Wasiirradda ayaa maanta ka qeyb galay shir ay isugu yimaadeen 726 Sarkaal oo ka kala socda laamaha kala duwan ee Ciidamadda Booliska oo ka dhacay xarunta dugsiga tababarada Booliska ee Jeneraal Kaahiye, ayaa waxaa looga hadlay xaaladda ammaan ee dalka, gaar ahaan magaalada Caasimadda Muqdisho.
Shirka ayaa socday xilli uu agagaarka xarunta Baarlamanka mar kale ka dhacay weerar lagu fulinayay Gaadhi walxaha qarxa lagu soo buuxiyay oo uu waday qof ismiidaamiye ah, sida ay sheegeen saraakiisha amnigu.
Ciidanka Ilaalada Baarlamanka ayaa la sheegay inay u babac dhigeen Weerarkaas, balse ugu yaraan lix ruux ayaa ku dhintay qaraxa iyo rasaas ciidanku rideen, waxaana weerarka sheegtay Kooxda Alshabaab.
Shirka looga hadlayay ammaanka, ayaa reysal-wasaaruhu wuxuu warbixin ka dhageystay Taliyaha Ciidanka Booliska iyo saraakiisha hoggaanka iyo laamaha degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaasoo faah-faahin ka bixiyay qorsheyaasha sugidda amniga iyo xasilinta dalka, waxayna tilmaameen inay jiraan falal amniga liddi ku ah oo dhacay intii lagu guda jiray Ramadaanka.
Taliyaha Ciidamadda Booliska Soomaaliyeed Jeneraal C/xakiin Daahir Siciid “Saacid” oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa ku dheeraaday dadaallada kala duwan ee lagu sugayo ammaanka Caasimadda dalka ee ay wadaan Ciidamadda Booliska Soomaaliyeed, waxaana uu tilmaamay in la howl-geliyay Barnaamijka isku-xirka Booliska iyo Bulshada, ( Community Police), isagoo ka codsaday shacabka degmooyinka gobolka Banaadir in ay gacan siiyaan Ciidamadda Ammaanka si looga guuleysto kooxaha dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed.
Wasiirka Gaashaandhigga ahna ku simaha Wasiirka Ammaanka Qaranka, Maxamed Sh. Xasan Xaamud, oo dhankiisa shirka ka hadlay ayaa sheegay in shirkan yahay mid todobaadle ah isla markaana ay ku kala warqaataan saraakiisha ciidanka Booliska, waxaana uu uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaaraha ka soo qayb galkiisa kulankaan muhiimka ah.
“Mudane Ra’iisul Wasaare shirkani waa mid ay ku kala warqaataan saraakiisha, ujeedkiisu waa in la iskula xisaabtamo howlaha qaranka loo hayo, waxaana kaa codsanaynaa in gacan la siiyo ciidanka sidii kor loogu qaadi lahaa tayada iyo tababarada Booliska oo laf-dhabar u ah ammaanka iyo kala dambeynta dalkeenna” ayuu yiri ku simaha Wasiirka Amniga Qaranka.
Reysal-wasaaraha
Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed, reysal-wasaaraha Soomaaliya, oo khudbad dheer ka jeediyay shirka ayaa tacsi u diray dadkii ku dhintay falalkii u dambeeyay ee dhacau, gaar ahaan dilkii Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xayd oo uu tilmaamay inuu ahaa muwaadin dalkiisa iyo dadkiisa u shaqaynayay.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray laamaha ammaanka ee ka howlgala Caasimadda Muqdisho inay dar-dar geliyaan inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadan howlgaladooda si looga hortago dhagarta ay maleegayaan waxa uu ku tilmaamay Nabadiidka “ ugu horrayn waxaan tacsi u dirayaa dadkii naga dhintay iyagoo waajibaadkooda gudanaya ee u dambeeyeen Xildhibaan Xayd iyo askartii kalaba, dhibaatooyinka cadowga ee ugu dambeysay dhacdadii fashilantay ee maanta waxay tulaase u yihiin dhagarta ay dadkeenna sharafta badan la maagan yihiin, shacabka Soomaaliyeed waxaana u sheegayaa dalkeenu inuu dagaal kula jiro cadow soo duulay waa inaan si wadajir ah u wajahnaa ka hortaga cadowgaas” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiwali.
Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa dhinaca kale farriin u diray Baarlamaanka Soomaaliyeed, waxaana uu xusay in Baarlamaanka looga fadhiyo iney meel mariyaan sharciga la dagaalanka Argagixsada si dowladdu awood ugu yeelato in ay isticmaasho awoodo dheeraad ah oo cadowga looga hortagayo.
Cabdiwali ayaa sidoo kale iclaamiyay todobaadka Kacdoonka Soomaaliya oo isku soo baxyo lagu muujinayo waxa uu ku tilmaamay dhibaatada Nabad-diidka lagu qaban doono degmooyinka Muqdisho.
Sawirrada Shirka
|
|
![]() |
Xaalad ku soo beegantay Ramadaan
Arrimaha ayaa imanaya iyadoo ay todobaadkan lagu jiray ramadaanta Magaalada Muqdisho ka dhaceen dilal toos ah iyo weeraro kale oo dad kala duwan lagu bartilmaameedsaday ay ka dhaceen Magaalada Muqdisho.
Kooxda Alshabaab ayaa hore dibba isku shaambaddeeyay weeraradaas dhacaya Ramadaanta, waxaana muuqata inay taasi cabsi badan ku abuurtay dadja shacabka ah iyo madaxda kale ee dawladda oo naftooda u baqaya iyagoo sooman.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com







