Tuesday, June 3, 2014

Maraykanka oo uga digay Itoobiya weerarro Argagixiso


Saameyn intee le’eeg ayay Digniintan noocan ahi ku yeelanaysaa dadka Soomaalida ah…Warbixin




Addis-ababa(GNA)-Safaaradda dawladda Maraykanku ku leedahay Magaalada Addis ababa ayaa ka digtay weeraro argagixiso oo lagu soo qaado dalka itoobiya.




Digniintan ayaa ku soo beegantay todobaad kaddib markii weerar ismiidaamin ah lagu qaaday goob ay dadka ajaanibka ahi isugu yimaadaan oo ku taala Magaalada Jibouti ee caasimada waddanka la deriska ah Itoobiya.




“Safaaraddu waxa ay heshay xaqiiqada weerarro  ku soo wajahan halkan, sababto ah aad ayey u saraysaa suurta-galnimada ay Al-shabaab kusoo beegsan  karaan Itoobiya iyo dana-heennaba “ayaa lagu yidhi war ka soo baxay Safaaradda.




Ururka Al-shabaab ee ka dagaalama koonfurta Soomaaliya ayaa horey u sheegay inay dagaalkooda islaamiga ah ku baahinayaan gobolka, waxaanay weeraro ka geysteen gudaha dalka Kenya oo ay haatan fowdo ka bilaabeen.




Dawladda Itoobiya ayaa heegan gelisay ciidamaddeeda kala duwan, markii ay warbixintani soo baxday , hase ahaatee warka ka soo baxay safaaraddu waxa lagu xusay inaanay wali haynin warbixin cad oo tibaaxaysa meesha weerarka laga soo qaadayo iyo goobaha bartilmaameedka ah, inkasta oo ay intaasi ku dareen inay u baqayaan mawaadiniinta Maraykanka ah.




 “Ma hayno warbixin cad oo la xiriirta halka sida tooska ah loo weerarri doono ,waxaana jecelnahay inaan muwaadiniinteenna xasuusinno in ay jiraan goobo badan oo halis ku jira sida maqaaxiyaha, hoteellada iyo waliba goobaha laga dukaamaysto,” sidaas waxa mar kale lagu yidhi digniinta ka soo baxday Safaaradda Washington ku leedahay addis.




Itoobiya iyo Al-shabaab




Kooxda Al-shabaab ayaa hore u sheegatay weerar sanad ka hor lagu qaaday Addis-ababa.




Al-shabaab ayaa u aragta Itoobiya cadowga koowaad ee Soomaaliya, iyagoo daliilshanaya kala fogaanshiyaha u dhexeeya Soomaalida iyo Itoobiya ee Taariikhda dheer soo taagnaa, kaasoo bulshooyinka labada dalba taariikh ahaan ogsoonyihiin wixii soo dhex maray awoowyaashood aabeyaashood.




Ciidamada Itoobiya ayaa gudaha Somaliya soo galay sanadkan horaantiisii, kuna biiray hawl-galka amisom, waxaanay taasi dib u curisay cadaawada ka dhaxaysa Urur diimeedka lagu eeddeeyo inay xidhiidh la leeyihiin Al-shabaab.




Dadka Soomaalida ah ayaa wali xasuusan hawl-galadii ay itoobiyaanku ka fuliyeen Muqdisho 2006-dii, markii ay dagaalka la galeen Maxkamaddihii slaamiga ahaa ee ay Al-shabaab ka faliidhantay.




Soomaalida Itoobiya




Magaalada Addis-ababa oo ahayd magaalada labaad ee ay Soomaalida dibadaha u socdaalayaan sii maraan, marka  laga yimaado Nairobi oo Kenya ah, ayaa waxa ku sugan dad soomaali ah oo kala duwan, kuwaasoo muraadyo kala duwan u jooga.




Mar kasta oo xaalad noocan ahi timaado cabsi weyn ayaa soo waajahda dadka Soomaalida, kuwaasoo naftoodu qaar halis gasho.




Sidoo kale laamaha ammaanka ee dalka Itoob iya ayaa indhaha ku jeediya dadka Soomaalida ah, waxaanay taasi sababtaa in dad laga shakiyo la xidh xidho iyo in handidaad kale loo geysto.