Hargeysa(GNA)-Duqa Caasimada Hargeysa ayaa ka cudur daartay dib u dhac ku yimi furitaanka Garoonka Xawaadle oo ah dib u dhis lagu sameeyay.
Qoraal Wargelin ah oo ka soo baxay Xafiiska Maayirka Caasimada Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid, ayaa lagu sheegay in muddadii loo cayimay furitaanka Garoonkaas oo ku beegmayd 5bisha June,xiligaasoo dadka ka soo qayb gelaya lagu marti qaaday, dib looga riixay xaflada furitaanka.
Qoraalka ayaa u dhignaa sidan:
Wargelin Maayarka Caasimadda Hargeysa Md:C/raxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko) wuxu ku wargelinayaa shacabka Hargeysa iyo dadkii ay gaadhay martiqaadka furitaanka garoonka Xawaadle oo maalinta Khamiista ku beegneyd (5/june/2015) in muddo toban cisho ah dib loo dhigay, ka dib hawlo shaqo oo ku soo beegmay.
sidaa darteed waxa uu Maayarku dadkii ay gaadhay martiqaadka furitaanka garoonkaasi iyo dadkii kalaba ka cudur daaranayaa inay raali ka noqdaan dib u dhaca ku yimid arrimo shaqo awgeed.