Monday, December 16, 2013

Xukuumadda oo soo daysay laba Wariye oo ka xidhnaa Wargeyska u xayiran ee Hubaal


Qayb ka mid ah qalabkii Wargeyska oo C.i.D-du qaadatay iyo Bilayska oo maalintii 3-aad Xafiiska dul fadhiya




Hargeysa(GNA)-Laba ka mid ah hawl-wadeenada Wargeyska Xukuumadda u xayiran ee Hubaal, ayaa Maanta laga soo daayay Saldhiga dhexe ee Caasimada Hargeysa.




Laba Suxufi oo mid ka mid ahi yahay soosaarihii Qormooyinka Ciyaaraha ee Wargeyska, ka kalena ka mid yahay qoreyaasha, ayaa laga qabtay xarunta Wargeyska gelinkii dambe ee Jimcaha, xiligaasoo ay Ciidamada Bilayska la wareegeen xafiiska Wargeyska.




Wargeyska labada wariye ka xidhnaayeen ayaa maalintii saddexaad u xayiran Xukuumadda, waxaana xafiiskiisa haysta Ciidamo bilays ah oo tiro badan, halka soosaareyaashii ka shaqaynayay firxad ku joogaan Magaalada.




Mid ka mid ah wariyeyaashii la soo daayay oo Gobanimonews la hadlay ayaa sheegay inay xoriyadoodda loo soo celiyay, hase ahaatee qayb ka mid ah Qalabkii Wargeyska ku shaqaynayay oo ah Koombuutaro kuwa gacanta ah oo ay ciidanku qaateen lagala hadhay.




Laba wariye ayaa kala ah Cismaan Axmed Cismaan iyo Mustafe Maxamed Cabdillaahi, waxaana la sheegay inay ciidanka Dambi baadhistu su’aalo waydiiyeen, islamarkaana ka waraysteen shaqada ay u qaabilsanaayeen wargeyska.




Qalabkaasi ayaa la sheegay inay Ciidanka C.I.D-du ula hadhay inay baadhitaan ku samayso, balse ma cadda waxa laga baadhayo eek u jira.




Waa markii labaad ee xukuumaddu xayirto Wargeyska Hubaal, xadhigna kula kacdo shaqaalihiisa sanadkan gudihiisa.




Ma cadda ilaa hada halka uu ku dambeyn doono arrinka wargeyskani, inkasta oo ay muuqato inay xukuumaddu ka badheedhay talaabooyinka qalafsan ee ay kula kacday.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com