Monday, December 16, 2013

Somaliland:Wasiir Xukuumadda ku dhaliilay inay Dayacday Gobolka Badhan. Dhegeyso


“Badhan kama Difaaci karno Puntland hadaan Ciidan iyo Maamul noo joogin”Wasiir u Dawlaha Xannaanada Xoolaha








Hargeysa(GNA)-Wasiir u Dawlaha Xanaanada Xoolaha Somaliland Cabdiraxamaan Jaamac Cabdulle, ayaa si weyn u dhaliilay siyaasadda Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee ku aadan Gobolka Badhan, waxaanu tilmaamay inaanay cidna ka hortaagi Karin Musharixiinta Puntland ee halkaasi ku soo qul-qulaya ilaa Ciidamo dawladdu leedahay iyo Maamul awood leh Gobolka loo sameeyo.




Wasiirka ayaa iftiimiyay inaanay Bulshada Reer Badhan Dawladda ka helin wixii ay xaqa u lahaayeen iyo Mashaariic ku filan Bulshada Gobolka, si la mid ah goboladda kale ee dalka.




“Badhan Hadaan Ciidan difaacaa joogin waxay noqonaysaa waddo halaqmareen ah, markaa waa in ciidan qaran oo difaaca la geeyaa oo loo sameeyaa Bilays”ayuu yidhi.




Waxaanu intaasi ku daray “waxaa loo baahanyahay in wasiirrada ay khusayso arrintani ka hawl-galaan oo ay soo kormeeraan xaaladda Gobolka”.




Wasiir u dawle Cabdiraxmaan Jaamac Cabdalle oo ka soo jeedda Gobolka Badhan ayaa ku doodday inaan Wasiirnimadiisa wax laga saari Karin ama looga baahnayn inuu difaaco Gobolka “Gobolka Badhan waan ka soo jeeddaa, laakiinse wasiirrada marka madaxweynuhu magacaabo wasiir walba shaqada loo magacaabaybuu ka shaqeeyaa, markaa anigu reer badhan kama xigo Wasiirrada kale, waxa igaga soo hagaagaysa hadaan sheego waa wasaaradda xanaanada Xoolaha, laakiinse askari qori sita iyo wasiir difaac ma ihi ee waxaa loo baahanyahay inay wasaarad waliba doorkeeda buuxiso”ayuu yidhi.




Wasiirka oo ka hadlayay dhanka Maamulka Gobolka ayaa caddeeyay inaan Dawladnimada Gobolka waxba iska bedelayn, hadaan loo sameyn Maamul tayo leh oo ka turjumaya horumarinta danta dawladda ee Gobolka.




Wasiiru-dawlaha ayaa sidoo kale Bulshada gobolka iyo Puntland baaq u diray “Waxaan baaq u dirayaa maamaulka Puntland oo aan leeyahay dhulkiinii ayaa dhibaato ka jirtaa, markaas ayaad Somaliland dhib la soo doonanaysaan, waxaan idinka digaynaa in aad si dhakhso ah uga baxdaan xuduudaha Somaliland idinka oo ammaan ah”




Wasiiru-dawlaha Wasaaradda xanaanada xoolaha Somaliland, waxa uu fariin  u diray shacabka Badhan “Reer Badhan-now gacmaha is qabsada oo dhan uga soo wada jeesta horumarka gobolkiina, wixii dantiina ah ka wada hadla” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray inay xukuumaddu mashaariic u qorshaysay bariga Sanaag “Waxa gobalkiina sanadkan u soo socda mashaariic badan oo dhanka xukuumadda Somaliland idiinka imanaya”.




Halkan ka dhegeyso Hadalka Wasiirka:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Wasiirada-iyo-Khilaafka-Warfaafinta1.mp3"][/audio]




Hadalka wasiir u dawlaha Xanaanada xoolaha Somaliland, ayaa ka dambeeyay ka dib markii todobaadyadii u dambeeyay ay Gobolka Badhan yimaadeen qaar ka mid ah Musharixiinta Madaxweynaha ee Puntland.




Musharixiintaasi ayaa Olole balaadhan ka sameeyay deegamada Bariga Sanaag badankooda, isla markaana meelo kala duwan kala hadlay dadka shacbiga ah oo ay soo dhaweyn kala kulmeen.




Gobolka Badhan ama Bariga Sanaag ayaa ka mid ah Goboladda ay ku muransanyihiin Somaliland iyo Puntland, hase ahaatee Musharaxa Madaxtinimada ee Maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Gaas oo markii ugu dambeysay todobaadkii hore safar ku tegay Badhan ayaa sheegay inaan bariga Sanaag laba meelood laga xukumi doonin.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Emal: editor@gobanimonews.com