Muqdisho(GNA)-Madaxweynaha Somalia Xasan Sheikh Maxamuud ayaa caawa kulan casho sharaf mahad naq iyo bogaadin xambaarsan ah ugu sameeyay qasriga madaxtooyada 184 Xildhibaan ee Xukuumadda saacid riday.
Kulankaasi oo ka dhacay Madaxtooyada Villa Somalia ayaa madaxweynuhu ugu talo galay inuu ugu mahad naqo xildhibaanada kalsoonida kala noqday xukuumadda, kuwaasoo halgan adag u galay sidii qorshaha ridista xukuumadda oo madaxweynaha ka timi.
Dhinaca kale, ilo wareedyo labadii maalmood ee ugu dambeeyay ka soo baxayay dhinac Baarlamanka ayaa tibaxaya in xildhibaanadii mooshinka ka soo horjeeday bilaabeen mid ay ku hor-istaagayaan in wasiirada la riday ku jira dib loo soo magacaabo.
Ilo wareedyo arrintaasi la socda ayaa Gobanimonews u sheegay in mooshinkaasi maalmaha soo socda la horkeeni doono Baarlamanka, iyagoo doonaya inay caqabad uga dhigaan xubno ka mid ah Golaha wasiirrada oo la saftay madaxweynaha intii khilaafku socday.
Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa laga sugayaa inuu soo magacaabo reysal-wasaare cusub oo bedela Saacid shirdoon.
Raysal-wasaarahaasi ayaa la filayaa inuu dib u soo magacaabo xubno wasiirro ah hada oo ay ka mid tahay wasiirka 2-aad ee xukuumadd Foosiya Yuusuf iyo xubno kale, kuwaasoo dhanka madaxweynaha ka soo jeestay markii xukuumadda la ruxayay.
Hase ahaatee mooshinkan ay wadaan 65 Xildhibaan ee Difaacayay xukuumaddu, ayaa hadii uu hir gelo fashilaya qorshe kasta oo wasiiraddaasi ku soo noqon kaaraan.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com