Thursday, December 5, 2013

Dhakhtar Qayb Jidhkiisa Ka Mida ah Naafo Tahay Oo Qalliinno Culus Sameeya


(GNA) Dhakhtar cuuryaan ka ah qaarka dambe oo dhan, ayaa ka yaabiyey dhakhaatiirta dhaggiisa ah, kadib markii uu noqday shaqsi hawlihii uu waday qaar ka culus qabta, isla markaana gala qalliinno culus.




 




Dr. Ted Rummel waxa si booto ah u asiibay baralays kaga dhacay qaarka dambe, isagoo awoodi waayey inuu socdo amma istaago, kadib markii laf-dhabarkiisa dhiig fadhiistay ku qarxay sannadkii 2010, markii sannado badan is-xannaanaynayey waxa uu si dhaqso ah ugu soo noqday shaqadii uu hayay.




 




Dr. Rummel waxa uu qabta shaqooyin culus, isagoo ku istaagaa kuraasta loogu talogalay in kor loogu kiciyo dadka qaarka dambe ka cuuryaama.




 




Dhakhtarkan oo xubnaha amma seedaha qalliinkooda ku takhasusay wuxuu qabtaa shaqooyin saacado badan la tagnaado, waana nin guulo badan ka soo hooyey qalliinnada uu fuliyo.




 




“Marka aan awoodo inaan shaqadan sameeyo noloshayda qayb ka mid ah baa ii soo noqota, waana shay qaali igu ah,” ayuu yidhi Dr. Ted.




 




Dhakhatarkan oo xaaladda dhibaatada laxaadku ku habsatay sannadkii 2009, markii laga helay xannuun keenay in godka laf-dhabarta dhiig ka buuxsamo, taasoo keentay inuu ka cabsado in mar uun cuuryaami doono, balse xaajadu si dhab ah u asiibtay September 2010-kii, isagoo ku adkaystay markii uu soo kawday inuu shaqadiisa qabto si dad badan ay ugu noqoto dhiirrigelin.




 




 




 




 




“Wax ka mid ah waxyaabihii ugu horreeyey ee aan aaminsanaa waxay ahayd in noloshaydu masaxantay, balse markii aan shaqadayda qabtay aan dib u soo qeexay shakhsiyadaydii,” ayuu markale dhakhtarku yidhi.




 




Dr. Dr. Ted Rummel waxa uu sheegay in qoyskiisu yihiin shaqsiyaadka ku dhiirrigeliyey inuu shaqadiisan qabto si aan waqtiyo badan uga lumin, waxaannu yidhi; “Hawshan maan samayn kareen haddii aan xaaskayga cajiibka ah igu dhiirrigelin, aad baan ugu han weynahay iyada iyo qoyskaygaba, kuwaasoo aan dhawaan ogaaday, isna baranay in ay qoyskayga dhabta yihiin.”




 




Waxa uu dhakhtarkani qoyskiisa helay intii uu xannuunkan hayey, intii ka horraysay ismay aqoon oo wuxuu ahaa nin shaqo ku mashquulsan, meel ay joogaanna




Diyaariye:C/qaadir Askar




askars4@hotmail.com




Gobanimonews.com