(GNA) Hay’adda Q.M u qaabilsan arrimaha caafimaadka ee WHO ayaa war ay soo saartay waxay ku sheegtay in dalka Giriiga ay ku badanayaan dadka irbadaha la isticmaalay isku muda si ay u qaadaan HIV taasoo lagu macneeyay in dadkaasi ay doonayaan lacago fara badan oo ay bixiso hay’adda WHO.
Warbixintan waxaa lagu sheegay in dadka lacagta awgeed isku Qaad siinaa xanuun marka dambe Aids isku badala ayaa aad ugu badan xilligan wadanka Giriiga oo ka mid ah wadamada Yurub hase ahaatee dhaqaalihiisu hooseeyo.
Sababta ku qasbaysa in dadkan ay is mudaan irbad si ay HIV u qaadaan waxay tahay ayaga oo doonaya inay helaan lacag cadadkeedu dhan yahay 700 oo lacagta Yurub ah una dhiganta 585 bound ka Ingiriiska oo ay hay’adda WHO bishii siiso dadka xanuunkan qaba.
Warbixintan cusub waxay sheegaysaa in dalka Giriiga marka loo ego ay aad u kordheen tirada dadka xanuunka Aids qaada 10 sannadood ee lasoo dhaafay tusaale ahaan sanadkii 2003 100,000 qof ee Giriig ah 9 ama 9 ka mid ah ayaa xanuunkan qabay hase ahaatee baadhis la sameeyay sanadkii hore ee 2012 %10 marka loo eego bulshada wadankaasi ku nool ayaa laga helay viruska HIV ee marka dambe Aids,ka isku badala.
Ragga xanuunkan qaba ee dalkaasi ku nool %53 da’dooda waxay u dhaxaysaa 25 -illaa iyo 39 jir halka dumarku aane tiro koob laheyn.
Haweeney u hadashay hay’adda WHO ayaa sheegtay in walwalka ay imika qabaan ay tahay in dadkan fikradahooda u gudbiyaan wadamo isla markaana ay calaamado la mid ah kuwa jira Giriiga ay ku arkeen wadamo ay ka mid yihiin Talyaaniga, Spain iyo Ireland.
Madaxa Jaamacad ku taala magaalada Athens oo la yidhaahdo Professor Jenny Kourea-Kremastinou ayaa sheegay inay dareemeen korodh la xadhiidha dadka qaba Aids intii u dhaxaysay sanadihii 2011 iyo 2012.
Dumarka jirkooda ka gacansada ayaa sidoo kale kusoo badanaya wadanka Giriiga goboladiisa oo dhan.
Diyaariye:C/qaadir Askar
askars4@hotmail.com
Gobanimonews.com