Friday, December 13, 2013

Wariye Somali ah oo Addis ugu xidhan Tuhun Argagixiso


Addis-ababa(GNA)-Weriye Maxamed Aweys Muudey (Boqorka bartamaha) oo ka mid ah suxufiyiinta Soomaalida ee sida weyn looga yaqaano gudaha iyo dibeda Somalia ayaa ku dhowaad 2 bilood ku jira xabsi ku yaala magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya.




Wariye Muuday ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa dad badan oo ciidamada Itoobiya u xirxireen tuhun la xiriira qarax bartamihii bishii Oktoobar ka dhacay xaafada Booley ee magaalada Addis ababa.




Waxaa qaraxaas ku dhintay labo Soomaali ah oo la aaminsan yahay iney ahaayeen kuwo si qarsoodi ah walxahaas qarxa ugu diyaarinayey guri ku yaala xaafada Booley ee magaalada Addis ababa oo Soomaalidu ku badan tahay.




Wiil lagu magacaabo Ayuub Maxamed Aweys oo uu aabe u yahay weriyaha xiran ayaa sheegay in aabihii oo xiran muddo labo bilood ku dhow uu ku jiro xabsi aan la garaneynin oo ku yaala Addis ababa.




 “Intaan ogahay mar ayuu telefoon si dhuumaaleysi ah noogu soo diray isagoo xabsiga ku jira wuxuuna noo sheegay inuusan caafimaadkiisa fiicneyn oo uu xanuunsanayo wax dawo ahna aan la siinin” ayuu yiri.




Waxaanu intaasi ku daray Ayuub Maxamed Aweys inaan aabihii  weli maxkamad la soo taagin, isagoo safaarada Soomaalida ee Addis ababa ka codsaday iney ka shaqeyso sii deynta aabihiis.