Friday, December 13, 2013

Kismaayo: Cabdi Kablalax oo la isagoo Masaajid ka soo baxay


Kismaayo(GNA)-Dablay hubaysan oo aan haybtooda la aqoonsan ayaa gelinkii dambe ee Maanta Magaalada Kismaayo ku toogtay Nin ka mid ahaa Shacabka Magaalada.




Cabdi Kablalax oo ahaa nin aad looga yaqaano Magaalada Kismaayo ayaa la dilay xili uu ka soo baxay Masaajid ku yaala Xaafadda Calanleey ee Magaalada Kismaayo.




Ma jirto cid sheegatay dilka Ninkaasi iyo cid loo qabtay toona inta laga war qabo.




Sababta ka dambeysa dilka loo geystay ayaan iyada lafteedu cadeyn, waxaanu noqonayaa qofkii labaad ee muddo saddex todobaad ah lagu dilo magaalada.




Gobanimonews




Kismaayo Office




Email: editor@gobanimonews.com