Friday, December 13, 2013

Hargeysa: Dhalinyaro gaddoodsan iyo Bilayska oo isku dhacay iyo Khasaare ka dhashay


“Waxay ka cadhoodeen Dil loo geystay Gabadh todobaadkii hore la dhaawacay oo Dhimatay”goob-jooge




Hargeysa(GNA)-Kooxo dhalinyaro ah ayaa caawa Rabshado ka sameeyay Xaafadda Daami ee Magaalada Hargeysa , kuwaasoo waxyeelo u geystay dad iyo Gaadiid.




Kooxdan oo ka cadhaysan Dil loo geystay qof Dumar ah oo Xaafadaasi lagu dilay, todobaadkii hore, taasoo dhaawac xiligaasi soo gaadhay u dhimatay, ayaa kala xidhay jidka isku xidha Suuqa iyo Xaafadda Sheikh Nuur, halkaasoo ay ku jajabiyeen Baabuur badan, waxyeelona ugu geysteen dad shacab ah iyo askar Bilayska ka tirsan.




Talaabadan ayay qaadeen dhalinyaradu, ka dib markii maanta gelinkii dambe la soo aasay Gabadha la dilay oo ilaa hada mad-madow ku jiro cidda dishay, isla markaana mid ka mid ah dadkii loo qabtay maanta la sii daayay, ka dib markii Hay’adaha baadhistu dambi ku waayeen, sida ay Gobanimonews u sheegeen qaar ka mid ah dadka Xaafadaasi degen.




“waxay weeye Kooxo dhalinyaro ah oo ka yimi xaga Xaafadda Daami oo cadhaysan, waxay nagu bilaabeen shiid iyo gacan qaad, baabuurta ayay dadka ka dejenayeen, dabadeed annagu waanu ka baxsanay oo waxaanu u cararnay xaga sheikh mobarig”sidaasi waxa yidhi mid ka mid ah dadkii ay wadada kula kulmeen rabshad wadeyaashu.




Ma jiro tirakoob laga hayo khasaaraha ka dhashay Rabshadaasi oo ilaa caawa fiidkii xaafadda ka taaganayd, bilayskana ay wakhti ku qaadatay inay joojiyaan,  balse xubno ka mid ah saraakiisha amaanka ee Caasimadda ayaa Gobanimonews u sheegay inay kooxda rabshada waday dhaawacyo soo gaadhsiiyeen askar bilays ah.




“waxani waxay ahaayeen dhalinyaro xaafadda daami ka soo jeeda oo ka cadhaysan gabadh dhawaan xaafadda lagu dilay, markaa Ciidanka bilaysku way kala dareeriyeen, wax dhibaato ah oo sidaasi u weyna may gaysan, laakiinse askarta qaar ayay dhagaxaan ku dhaceen , wax sidaasi u badanse maaha”sidaasina waxa Gobanimonews u sheegay sarkaal sare oo Bilayska ka tirsan.




Dad kale oo goob-joogeyaal ah ayaa iyaguna sheegay inay arkayeen qaar ka mid ah dhalinyarada wax shiidaysay oo isku dayaya inay weeraraan Saldhiga xaafadda daami oo aan ciidan badani joogin.




“xaga saldhiga ayay markiiba isku shubeen iyagoo ku qalinaya “anagaa leh Guusha””ayuu yidhi goob jooge magaciisa ku soo gaabiyay Xasan oo xaafadaasi degen.




Waxaanu intaasi ku daray “markii ay ka yimaadeen xabaasha Gabadha dhimatay oo muddo cisbitaalka taalay ayay, agagaarka Saldhiga Daami kaga dageen Baabuurtii ay la socdeen”.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Bilayska iyo maamulka Gobolka toona, waxaanay arrintani imanaysaa todobaad ka dib markii gabadhan dhimatay isla xaafadaasi nabar ka soo gaadhay  dhalinyaro is-shiidaysa.




Nabarka soo gaadhay ayaa la sheegay inuu ahaa dhaawac culus, kaasoo ay ugu dhimatay Cisbitaalka Guud ee Hargeysa oo maanta laga qaaday.




Warar iskhilaafsan oo ka soo baxay qaabka gabadhan nabarku u gaadhay ayaa muujinaya inaan ilaa hada cid loo haynin waxyeelada ay ku baxday, waxaana la sheegay in mid ka mid ah dad tuhuno la xidhiidha dilka la soo daayay.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com