Hargaysa (GNA)-Wasiirada Xannaanada Xoolaha iyo Hawlaha Guud ee Somaliland Dr Cabdi Aw Daahir Cali iyo C.risaaq Khaliif Axmed oo ahaa Gudi uu Madaxweynaha Somaliland u soo Xilsaaray Xalinta Cabasho Mudooyinkii u danbeeyay ka dhex aloosnayd Kaamboolka Wasaarada Warfaafinta Gaar ahaan Telefishanka Qaranka ayaa maanta Kulankoodii 1aad la Qaatay Madaxqaybeedyada Telefishanka Qaranka .
Madaxqaybeedyada ayaa far weyn ku muujiyay Cadaalad daro, Eex, Qof Jeclaysi iyo Nidaam Qabyaaladeed oo dhex yaala Telefishanka Qaranka.
Waxaa kale oo ay Sheegeen inaanu Jirin Qorshe iyo Siyaasad Maamul oo lagu Wada Shaqeeya taasina ay tahay sida ay ku doodeen ta markastaba Sababta in Khilaaf uu ka dhex Curto Wasaaradan, isla markaana caqabada ku ah shaqada.
Waxa ay sheegeen inloo baahan yahay sidii Xal Deg deg ah looga gaadhi lahaa iyo Weliba sidii loo simi lahaa Xuquuqda Shaqaalaha taas oo ahayd Soo Jeedin uu hore u balanqaaday Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland C.laahi Maxamed Daahir Cukuse.
Sidaasi waxa lagu sheegay war kooban oo kulankaasi ka soo baxay, balse lama cadeyn waxay wasiirradu soo jeediyeen iyo talaabada tan xigta ee ay qaadi doonaan.
Xalinta Khilaafaadka soo noqnoqda ee Wasaaradda Warfaafinta ayaa salka ku haya mar walba arrimo maamul.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com