Hargeysa(GNA)-Isxulafaysiga Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa ahaa mid tan iyo bilowgii markii ay talada la wareegtay soo taxnaa.
Hada ayaad mooddaa inay ku sii durkayso in isbahaysigaasi yeesho saameyn dhanka wada shaqaynta ah.
Koox wasiirro ah ayaa si cad uga saftay Madaxweynaha iyo Koox kale oo aktiisa ka dhadhow.
Arrintan ayaa muujinaysa inay awooddo aan talada wax ku lahayn soo dhex galaan arrimaha Maamulka, sida Marwada Madaxweyne Siilaanyo oo si toos ah faro gelin ugu haysa shaqada Xukuumadda.
Guux iyo dhaqdhaqaaq xoogan oo laga dareemayo Aqalka Madaxtooyada ayaa muujinaya in khilaaf ka dhexeeyo labada dhinac ee ishaya, kuwaasoo maalmahan dambe isku mari la’ wax lagu sheegay isku shaandheyn la qorsheeyay in Xukuumadda lagu sameeyo.
Dhawr nin ayaa u muuqda in birta laga aslayo, kuwaasoo bedelkoodii qaar la diyaariyay, balse waxa taasi ka socon la’dahay dhinaca kale ee ay iska soo horjeedaan.
Ilo-wareedyo ku dhadhow Madaxtooyada ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay in la doonayo in Wasiirka Madaxtooyada loo bedelo Wasaaradda Hawlaha Guud, kaasoo doonaya in hadii arrintaasi laga dhabeeyo Hay’adda Waddooyinka loogu bedelo Wasaaraddaasi.
Dhinaca kale, qorshahan ayaa Masuuliyiinta xil ka qaadistooda lagu muujiyay waxa ka mid ah, Wasiirka Ganacsiga, Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Wasiirka Hawlaha Guud iyo Taliyaha Ciidanka Bilayska.
Masuuliyiintaasi lama caddeyn cidda lagu bedelayo,balse xubnaha meesha soo gelaya ee Xukuumadda lagu soo darayo, waxa ka mid ah Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaciil yare) iyo xubin ka mid Kooxdii Xaqsoor ee xisbiga Kulmiye ku soo biirtay.
Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ah hogaamiyaha Umaddu u dooratay xilka madaxweynenimo, ayaa gabay, isla markaana ay cadahay inuu awoodiisa wax ka siyay Xaaskiisa Aamina Waris.
Taasi waxay nusqaan ku tahay Milgaha iyo nidaamka dawladnimo ee dalka, waayo waa arrin ka baxsan Dastuurka dalka.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com