Dadka siyaasadda la socda oo eegaya halkay wax dhigaan Saleban, Siilaanyo iyo Raysal-wasaaraha isku beesha ka soo jeedaa!
Hargeysa(GNA)-Waa markii ugu horaysay ee saddexda Masuul ee dalka ugu awoodda badani isku Deegaan noqdaan.
Taasi waxay dadka u sawiraysaa afduub siyaasaddeed oo dalku ku jiray saddexdii sanaddood ee ugu dambeeyay.
Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleban Maxamuud Aadan ayaa bilihii ugu dambeeyay ka badheedhay inuu la safto Madaxweynaha talada haya iyo Wasiirka Awoodda badan ee Madaxtooyada.
Xulafaysiga Saddexda Nin ayaa si isku mid ah u waajahaya dhinac kasta oo Mucaaridadi kaga timaado xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, isla markaana u babac dhigaya awood kasta oo ay isbido.
Saleban Maxamuud Aadan iyo Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay ku goodinayay inay Guddoomiyaha Golaha wakiillada qar-qarsi siyaasaddeed ku keenaan Madaxtooyada hadii kale oo uu aqbali waayana ka shaqeeyaan sidii xilka looga xayuubin lahaa.
Guddoomiye Cirro oo Oddeyeynta loola tegay uu qayb ka ahaa Odayga Somaliland ee Xaaji Cabdi waraabe, ayaa shalay Madaxweyne Siilaanyo laysugu geeyay, isla markaana hortiisa Maxkamadda lagu lagu saaray.
Guddoomiye cirro ayaa lagu eedeeyay inuu Warqad uu Madaxweynaha u qoray oo ku saabsanayd ka qayb-galka Shirka doodda qaran u isticmaalay Magaca Gollaha wakiillada.
Cabdiraxmaan Cirro ayaa la sheegay inuu qirtay qaladkaasi, isla markaana raali gelin ka bixiyay, taasoo ah bilowga qorshe Cirro lagaga baajinayo inuu mucaaridad culus xukuumadda kala horyimaado.
Dhinaca kale, Guddoomiye Saleban Maxamuud Aadan ayaa taatiko tan oo kale ah isticmaalay bilo ka hor markii lagu dhawaaqay Madasha Wada-tashiga iyo toosinta Qaranka.
Saleban Gaal ayaa diidmo cad kala horyimi qorshaha siyaasiyiinta ku dhawaaqay Daladdan siyaasaddeed, waxaanu qayb ka ahaa mawjado siyaasadeed oo dhaleeceyn iyo cambaareyn joogto ah kala horyimi Madasha wada tashiga.
Talaabooyinkan uu qaaday Saleban Maxamuud Aadan waxay qayb ka yihiin ku ilaalinta Kursiga ee Madaxweyne Siilaanyo oo uu ka badheedhay, taasoo dalka u horseedaysa in Khilaaf siyaasaddeed laga bixiyo waayo.
Hase ahaatee arrinta haatan walaaca laga sii qabo ayaa ah in Guddoomiye Saleban isku dayo inuu Kursiga u difaaco Siilaanyo marka uu wakhtigu ka dhamaado, isla markaana doorasho Madaxtinimo la qaban kari waayo.
Tan ayaa waxa inaga xiga wax ka yar 18 Bilood oo qudha, xiliga Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo Wakhtigu kaga dhamaanayo, iyadoo aanay dhicin doorashooyinkii kale ee Muddo dhaafay.
Waxa jira dareeno soo baxaya oo muujinaya in dadka arrimaha siyaasadda la socdaa isha ku hayaan isbahaysiga Madaxweyne Siilaanyo iyo Saleban Maxamuud Aadan oo ku fadhiya labadii kursi ee dalka ugu sareeyay, isla markaana ah laba nin oo isku deegaan ka soo jeedda.
Dadka la socda arrintaasi waxay ka digayaan in hadii sidan wax ku sii socdaan arrintu isku bedeli doonto iska hor-imaad siyaasaddeed, iyadoo loo arkayo in labadan Nin ee isku haybta ahi ku heshiiyeen inay siyaasadda dalka af-duub ku haystaan.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com