Lawyacado(GNA) -Madaharaad lagaga soo horjeedo lacag Kastamka Lawyacado ku kordhiyey dadka socotada ah ee isaga goosha Jabuuti iyo Somaliland ayaa ka socda magaaladaasi, waxaanay wararku sheegayaan in gaadiid farabadani tan iyo shalay ku xanibnaayeen Kastamkaasi.
Lacagta ay dadku ka cabanayaan ee lagu kordhiyey ayaa la sheegayaa in ay tahay Lix kun oo Shilling Somaliland ah (6000 Sh.S Land), taasoo ku biiraysa labaatan kun oo shilling oo hore looga qaadi jiray dadka socotada ah.
Dhinaca kale, waxa mudaharaadka sii xoojiyey dirawaliinta iyo Ganacstada leh gaadiidka xamuulka ka soo qaada Dalka jabuuti kuwaas oo lagu soo rogay in alaabaha saaran la fatasho, maadaama isbedela lagu sameeyey maamulkii Kastamka isla markaana wasaaradda Maaliyaddu dar-dar galinayso hawlaha cashuur Ururinta.
Ugu yaraan sideed gaadiidka xamuulka qaada ah iyo laba Booyadood oo siday Shiidaalka Jet-ka ee diyaaradaha ayaa la sheegay in ay xalay u hoydeen Kastamka Lawyacado iyagoo ka war wareegay in ay hawl wadeenada Kastamkaasi baadhaan Rarka ay sidaan.
Mid ka mid ah saraakiisha Wasaaradda Maaliyadda ayaa Saxaafada uga waramay dhacdadan, waxaanu ku dooday Ganacsatadu in ay diidan tahay Olole wasaaraddu wado oo ay ku ogaatay qaab xirfadaysan oo ay ku lunsan jireen cashuuraha, kaasoo markii la ogaaday masuuliyiinta cusub ee Kastamka la amray in qabtaan.
Ganacsatada ayuu ku eedeeyey in ay xidhiidh dhaw la lahaayeen shaqaalaha Kastamkaasi qaarkood isla markaana ay samayn jireen in alaabaha ay sidaan meel dhexe ku dajin jireen inta aanay gaadhin Kastamka saylac oo lagu cashuuri jiray, waxaanu tilmaamay in maamulka cusub ee Kastamka Lawyacado lagu soo rogay in ay gaadiidka xamuulka sida Fatashaan ama in ay Askar u raaciyaan illaa Saylac si kastamkaasi ay u gaadhaan iyaga oo aan dhexda waxba lagaga sii dajin.
Si kasta ha ahaatee dooda u dhaxaysa Gaadiidlayda iyo Ganacsatada rarku u saaran yahay iyo Wasaaradda Maaliyadda ayaa sababay inay koox kastaa dhinaceeda ugu adkaysato danteeda, taasoo keentay in ay Mudaharaad adeegsadaan Ganacsatadu
Gobanimo news.com
Lawyacado