Wednesday, December 4, 2013

Somaliland: wefti ka socda Xisbiga UCID oo loo diiday inay Gabiley Booqdaan + Video


Xukuumadda amar ku bixisay inaan Jamaal cali Xuseen Gabiley Booqan Karin




Hargeysa(GNA)-Wefti ka socda Xisbiga UCID oo ku sii jeedday Deegaamada Gobolka Gabiley, ayaa dawladdu ka hor-istaagtay inay u safraan Gobolkaasi.




Weftigan oo uu hogaaminayay Musharaxa Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen, ayaa laga soo celiyay Kaantaroolka Caabudla ee Degmada Arabsiyo, sida ay Gobanimonews u sheegeen saraakiil sar sare oo xisbigaasi ka tirsani.




Go’aanka lagu soo celiyay ayaa lagu waramayaa inay ka dambeysay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo ciidanka Bilayska ee halkaasi ku sugan ku amray inay joojiyaan weftigaasi.




 Weftiga ayaa saaka ka amba baxay Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland,waxaana la sheegay inay muddo murmayeen Ciidanka kaantaroolka oo ku andacoonayay inay qabaan amar sare oo weftigaasi lagu joojinayo.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Xisbiga Ucid oo la xidhiidha talaabadan xukuumaddu ugu diiday inay booqdaan Gobolka Gabiley, hase ahaatee wararku waxay intaasi ku darayaan in weftigaasi ku soo laabteen magaalada Hargeysa.




Wariyeyaal lasocday Weftiga ayaa sheegaya in Saraakiisha amniga ee deegaanka Caabudla ay weftiga ku wargeliyeen in amar lagu siiyay inaanay u gudbin dhinaca Gabiley.




Arrintan ayaa imanaysa dhawr maalmood uun ka dib markii madaxweyne Siilaanyo ka soo laabtay gobolkaasi oo uu Mashaariic kala duwan ka soo furay.




Ujeedada weftiga ayaa salka ku hayay arrimo siyaasadeed oo danaha xisbiga khuseeya, waxaana maalmahan la hadal hayay in xildhibaano ka tirsan Xisbigaasi loo qaban qaabinayo inay Kulmiye ku biiraan.




Waa talaabadii ugu horaysay ee Masuul xisbi loogu diido inuu booqdo Gobol ka mid ah Dalka, saddexdii sanadood ee Xukuumadda Siilaanyo talada haysay.




Weftigaasi waxa xubno ka ahaa Marwo Faadumo Siciid oo ka mid ah xubnaha sarsare ee Xisbigaasi iyo Masuuliyiin kale.




Gobolka Gabiley ayaa ka mid ah Goboladda Xisbiga Ucid taageerada badan ku leeyahay, waxaana la sheegay in weftigani ku sii jeedeen Magaalada Gabiley ilaa Degmada Wajaale.








Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com