Wednesday, December 4, 2013

cali daacuun: ma jirto qof aan u ololeynayo in uu noqdo ra’iisul wasaare”.


Ujeedada Maqaalkani Xambaarsan yahay, waa (XADAF) macnawiyan ma jirto qof aan u ololaynayo in uu noqdo Ra’iisul Wasaare; maxaa yeelay kuma qanacsani maanta iyo ka horba siyaasadda uu hoggaaminayo XASAN SHEEKH MAXAMUUD, Faarax C/qaadir iyo C/kariim Xuseen Guuleed.



Waa arrin ugub ah in Saddex Nin ay talada dalka marooqsadaan, iyagoo aamin san, rumeysan in umadda Soomaaliyeed inteeda kale ay yihiin arday kasoo baxday Dugsiga (SIMAD).



Walwal iyo Walbahaar weyn ayaan ka qabaa Xaaladda siyaasadeed ee dalku ku sugan yahay, iimana muuqato Wax rajo ah oo ka soo iftiimaysa kooxdan yar ee afduubtay qarannimadii Soomaaliyeed.



Dowlad hadaad maqasho waa dadweynaha oo ku heshiiyay in ay yeeshaan dastuur, ka dibna doortay Hoggaan u horseeda mustaqbal iyo nolol, ma muuqato hindisahaa ay umaddu ku naalooneyso, (murti baa oranaysa) SADQADA AAN CUNI DOONO, SANSAANYEHEEDA AYAAN GARTAA.



Waxaan uga gol-leeyahay hal sano ka dib, waxaa iftiimay in aan la ixtiraamayn dastuur, dowladnimo, kala danbeyn, waxaana u daliil ah wixii dhacay Saddaxdii maalmood aynu soo dhaafnay.



Lama arag Wasiirro ku dhawaaqaya Xukuumaddii ay ka midka ahaayeen hala rido, waxaa la yaab ah Meesha ay wax ku ogyihiin.



Haddaan xog-ogaalnimo ku darsado khibradeyda siyaasadeed, khilaafku kama iman Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaarihii hore; balse waxaa DABKA dhex dhigay tiro yar oo wasiiro ah, garba duubna u xiray Xasan Sheekh Maxamuud.



Siyaasadda noocaas ah, waxaa loo baahan yahay AF, QALIN iyo WARQAD in lagaga hortago, ILAAHEYNA la waydiisto dowlad dhaanta tan maanta jirta.



Beesha Caalamka waxaan rabaa in aan u iftiimiyo hab dhaqanka siyaasadeed ee ka jira Maanta Soomaaliya MA AHA mid la caawini karo, sababtoo ah dhaqaalihii lagu caawiyay umadda soomaaliyeed, waxaa loo adeegsaday in lagu bixiyo Ololihii lagu riday Ra’iisul Wasaarihii hore, iyadoo dadku iyo dalku u baahan yahay.



Mar haddii si khaldan loo isticmaalayo dhaqaalaha loo soo ururiyay umadda Soomaaliyeed ee colaaddu ragaadisay, waa in naloo hayaa inta aanu ka dooran doono hoggaan dhaama kan maanta jira.



Umadda Soomaaliyeed waa in ay fahantaa waxa ka jira maanta Muqdisho, isuna taagtaa sidii ay uga xoroobi lahayd kooxdan yar ee ka tirsan Urur Diimeedyada (DAM JADIID IYO JAMAACATUL ISLAAMIYA).



Cali Maxamed Axmed



Muqdisho/Somalia