Hargeysa(GNA)-Wefti ka socda Xisbiga Ucid ayaa laga soo celiyay Gabiley inay booqdaan.
Talaabada ayaa ka dambeysay amar ciidanka amniga ee Kaantaroolka Caabud la’ lagu siiyay inay ishortaagaan weftigaasi oo uu hogaaminayay Musharaxa madaxweyneha ee Xisbigaasi Jamaal Cali Xuseen.
Xoghayaha Maaliyadda ee Xisbiga UCID Faadumo Siciid oo ka hadashay arrintan ayaa ku eedeysay Marwada Madaxweynaha Somaliland.
Waxay sheegtay in Aamin Waris dalka ka taliso, sidaasi darteed loo baahanyahay in madaxweyne Siilaanyo Iscasilo.
“Maanta waxa cadaatay in Aamina waris dalka ka taliso ee Madaxweyne Siilaanyo waxaan leeyahay iscasil oo kursiga uga soo deg Xaaskaaga”ayay sheegtay.
Halka ka Daawo: