Friday, December 20, 2013

Maxaad ka taqaanaa Xeer-beegti dhaqameedka Soomaalida ?


 Qormadda Dhaqan-maal




Akhristeyaal Qormaddeena dhaqan Maal ee Khamiista maanta waxaynu ku soo qaadanaynaa Mawduuc ku saabsan hab Dhaqameedka Bulshada Somalidu garta u qaadi jireen xiliyadii Casri Jaahiliga ama aynu nidhaahno intii aanay dunida la jaanqaadin arrimaha Garsoorka Soomaliddu.




Gar-niqistu waa arrin aad u xaasaasiya oo hadii la leexiyo caabuq iyo colaad aan hadhin reebta, hadii la hagaajiyo oo siday wax ahaayeen loo qaaddana la mahadiyo, isla markaana laga dhaxlo nabad iyo nimco ku negaanshiyo Bulsho.




Inkasta oo aan jecelahay inaan qormadda qaybteeda dambe isku bar-bar dhigo Xeer dhaqameedka Soomaalida ee sidaan tilmaamay hore loogu niqi jiray garta iyo kan maanta Maxkamaddaha yaala, hadana waxaan rabaa inaan Inyar ka iftiimiyo intaanan guddo gelin Xeer Beegti Dhaqameedka Soomaalida, hal ku dhigyada dhaqanka ku salaysan ee gun-dhiga u ahaa Garsoor Dhaqameedka Somalida.




Abwaan Soomaaliyeed ayaa waxa tix-gabay ah oo uu leeyahay ku jirtay “Rag Cadaalad waayay sidii Cawsha kala yaac”.




Waxa Hal ku dhigaasi muujinaya Miisaanka Cadaaladda iyo wanaaga Garsoor  xaqa oo lagu dabaqayo Dhanku goortay xaaladi timaado daawada ugu yahay Dakano iyo qadaf noocu doonaba ha nooqdeen laba bulsho dhexdooda ka dhaca.




Soomaalidu mar kale iyagoo ka caddeynaya in Khilaafaadku joogto yihiin, cid walbana dhex mari karaan, ku maahmaahday “Carrab iyo Labadiisa daan ayaaa isugu dhow oo way isqaniinaan”.




Tani way iftiiminaysaa in dadka oo dhami isqardoofi karaan ama mushkilad noocay doonto haku timaadee dhexdooda iman karto.




Hagaag, dib ayaynu kaga soo noqon Faalladan iyo barbar dhiga Garsoorka Dhaqanka iyo kan Maadiga ah iyo ka laga soo miin-guuriyay Kutubta Samaawiga ah, ee  Mawduucan la magac baxay Garta Xeer-beegti iyo xeerarka Soomaalida waxa uu ku saabsan yahay garnaqsigii dhinaca dhaqanka ee Soomaalida iyo xeerarkii lagu dabakhi jiray marka ay yimaadaan dhibaatooyin iyo isqabsiyo u baahda in xal loo helo iyo in la kala saaro dadka ay arrimuhu dhexmareen. Sidaa darteed waxa taas oo kale la yidhaahdaa Garnaqsi waxaana loo saaraa guddi-dhaqameed loo yaqaan xeer beegti, sidoo kale xeerarka ay garahooda ku dabakhaan oo ah xeerarka u yaal beelaha ama qabaa’ilka ayay u cuskadaan gar-qaadkooda.




 




Sida la ogyahay ummad kasta khilaafaadka iyo iska horimaadyada dhexmara iyo xataa qaabka wada noolaanshahooda waxay u leeyihiin qaabab iyo xeerar ay u maraan, taas oo ay wixii dhibaato ahna ku xalilaan, wixii wada noolaansho ahna ku dabakhaan.




 




Dhibaatooyinka dhaca waxa jirta cid gaysata iyo cid xalisa, sidaa darteed guud ahaan Soomaalidu waxay hore u lahayd oo lagu yiqiin xeerar ay ku kala baxdo marka dhibaatooyin dhexmaraan, ama ay wax ku qaybsato marka dano dhexmaraan, hase yeeshee marka hoos loo sii daadego waxa laga yaabaa inay deegaamada iyo qabaa’ilku kala leeyihiin xeerar iyo qaab-dhaqameed kala duduwan, kuwaas oo laga yaabo inay guud ahaan iyo gaar ahaan qaarba si isku soo galaan.




Marka laga hadlayo gar xeer-beegti ereyada la isticmaalo waxa ka mid ah gar-muslax, gar-cadaawe, jid, xeer, dacwe, igmasho, gudoon, samatalis, hadimo talis, maah maah, murti, jillaad, booli, didiif (dedafayn), jid-bixin, jid-bixiye, iyo ereyo kale oo badan oo aad ka dhex heli doonto sheekadadan, laakiin mawduucan oo ah mid aad xiiso badan oo xambaarsan macluumaad badan, isla markaana wax badan kaaga iftiiminaya xeerarkii iyo dhaqamadii nololeed ee mujtamaca soomaalida, iyadoo ay dadka reer Somaliland yihiin dad hodan ku ah hiddo samida dhaqanka iyo waliba balaaqada murtida suugaaneed, sidaa awgeed waxaanu u rajaynaynaa akhristayaashayada inay ka bogtaan mawduucan xiisaha badan oo aan hore noociisa oo kale loogu arag ama haddii lagu arkayna uu ku yaraa bogaga wargeysyada dalka ka soo baxa.




Hadaba, Somalidu waxay dhaqan iyo hiddo u lahayd garsoor wanaagsan, gobanimo, is-jidmarin, is-xaalmarin, isudulqaadasho, is-dhaahin iyo mucaamil nololeed oo wanaagsan, kuwaas oo la odhan karo waxa uu 100% ka wanaagsaana shuruucda iyo qawaaniinta ay dunida casriga sheegataa maanta ku dhaqanto, iyadoo aanad maanta arkayn cid isu garaabaysa iyo cid is-garmarinaysa iyo cid garanaysa gartii xeerbeegti ee lagu kala bixi jiray, sidoo kale ma jirto guurtidii xeerbeegti ee dadka ku kala hagoogan jirtay marka ay xaajo murugto ee ay arimuhu dhab-qaan.




Gartu way noocyo badan tahay, berigii horena qofku waa yaqaanay sida uu ku gar helayo iyo inay gari meesha ugu jirto iyo inkale, laakiin noocyada loo garqaado waxa ka mid ahaa ama loo garnaqsado waxa ka mid ahaa:Garaw, Dhaahin, Xaal, Muslax, Gar-cadaawe, gar-shareeco, gar-xeerbeegti, Gar-booli, Gar-jilaad iyo qaar kale, waxaana dhici jirtay in la kala gar-helo, iyadoo ay gartu noqon jirtay gar-cadaaladeed iyo gar-eexo, laakiin ninku wuu gar-qaadan jiray, taasina waxay qayb ka ahayd hiddosamida dhaqanka iyo gobanimada dadku lahaa.




 




Guddiga xeerbeegti ee garta qaadaysaa waxay ahaayeen kuwo yaqaan waxa ay wax ka garnaqayaan iyo waxa ay wax ku dhamaanayaan, hadii ay muslax tahay, hadii ay kala dareerin tahay, hadii ay gar cadaawe tahay iyo hadii ay gar kale tahayba, waxaase jiray wax la odhan jiray Samatalis iyo hadimo talis, kuwaas oo ahaa laba calaamo oo lagu kala sooci jiray ragga had iyo goor garaha gala, kuwaas oo u qaybsami jiray nin daacad ah oo la odhan jiray waa Samatalis iyo nin aan daacad ahayn oo la odhan jiray Hadimotalis.




 




Garta hadii la feeniyo ama la Axalo-cunsiiyo cidda garnaqaysaa wax ambiil (Racfaan) ah lagama qaadan karo, taasina waxa weeye garta adag ee loo yaqaan gar-cadaawe.




 




Somalida badideedu maadaama ay suugaanta hodan ku ahayd, isla markaana ay suugaantu ahayd waxay suugaanta u isticmaali jirtay garaha, sidaa darteed bal aynu waxoogaa ka taataabano suugaanta garaha loo isticmaali jiray iyo noocyada garaha ah ee lagu dhaqmi jiray, jidka ka horeeya garta, cadaymaha lagu kala gar helo, sida loo kala gar helo, xeerarka Somalida iyo kuwa xeer-ciqaabeedka ah, cidda xeerka jebisa sida laga yeelayo...




Ninka inuu gardiid noqdo dhaqanka iyo xeerka waa ku ceeb, sidoo kale hadii laga gar helo waa inuu garawshiinyo bixiyaa, waayo hadii uu garawshiinyo bixin waayo waxay taasi noqonaysaa gun-nimo, laakiin cidda garta naqaysa xataa hadii ay si cadaalad ah garta u qaado cidda garta laga helay ma gafto waa layga eexday, waxba layma waydiin IWM, sidaa darteed cidda garta naqda waxay mar walba dhaxlaan godob.




 




Laakiin cidkastaa haka cabatee cidda gartaqaadaysa waxa mar walba looga baahan yahay cadaalad iyo inay garta aad uga baaraan-degaan, iskana hubiyaan wixii ay cadaalad xumo uga iman karto. Sidoo kale dadka ama dhinacyada garnaqsanaysa waxa mar walba looga baahan yahay inay gartooda banaanka ku soo akhristaan oo ay qolo waliba dhinaceeda si fiican u ogaato cidda ay is-hayaan waxa ay xaq ugu leeyihiin iyo waxa dheeraadka ah ee sitaan, waayo waxa fiican inta aad banaanka joogto ee aaddan golaha iman inaad gartaada soo akhrisato, maxaad gar u leedahay, maxaadanse gar u lahayn, markaa "waa sidii Jemeshii Wacays kaliile’, marka aad arin gelayso waa inaad talo ku dartaa oo hadii aad is leedahay waxaa waad ku ceeboobaysaa aanad gelin, isla markaana marka aad aragto in lagaa gar helayo ama aad gar darran tahay aad garawdo. Soomaalidu waxay tidhaahdaa "nin aan garaw baranini gar ma barran". Ta kale waxa iyana loo baahan yahay inaad malayso cidda aad wada hadlaysaan ee kaa soo horjeeda inay kaa af-roon tahay (Af-tahamo badan tahay) iyo in hadalkiisa lagaa xigo oo aanu kufkaaga ahayn, waayo Somalidu waxay tidhaahdaa "gadh-ba gadh baa la tusaa".




 




Ta kale waxa jira hadal aan afkaaga ku wanaagsanayn oo afka Inaadeerkaa ku wanaagsan, tusaale marka seedigaa kaa soo horjeeddo ama arini idin dhexmarto, soddoggaa oo kale iyo qof kasta oo xil kugu leh ama aaddan afka ku kala waaxi karin. Sidaa darteedna lagaaga toosan yahay ama wax odhaahiisu afka cid kale ku wanaagsan yahay. Somalidu waxay tidhaahdaa "Hadal nin kaa xigo iyo hawl nin kaa xigo midna lama hororsado".




Laakiin dhaqan xumooyinka soo kordhay waxa ka mid ah in labada reer ama labada qof ee arrini dhexmarto halkii si wanaagsan loogu gar-qaadi lahaa in gartooda la mashruuceeyo oo ay waqti dheer qaadato ama cidiba kala saari waydo oo ay isku sii murgaan oo timaha la isugu sooho ama marka ay arkaan in la isku dilayo ay iyagu iskood isaga kala dareeraan.




Waana waxyaabaha iminka Hay’addaha Garsoorka ama bahda cadaaladda loo dhaliilo, marka garsoorkii arrimaha Beelaha lagu xalili jiray laga waayo, ama siyaasadda Dawladuhu ugu fashilmaan arrin beeleedyo colaad sababa.




Xiliyadii hore garta laba qof ama laba qolo loo qaadayaa kama ay badan jirin inay maalin ama habeen iyo maalin socoto xataa marka ay guddidu raagto oo ay debedda u baxdo, waayo waxa la odhan jiray "Guddi raagtay ama hal meesha ku jira ayey ka saaraysaa ama hal aan meesha ku jirin ayey soo gelinaysaa", isla markaana hadimada iyo waxa xun lama talin jirin, iyadoo xataa hadii aanu qofka aakhiradiisaba u tudhan ay marka horeba hadimo-taliska iyo eexdu godob aan hadhin leedahay, sidaa darteed hadii aad cid u gar-qaadayso ha u kala eexan, waayo waxa jirta xikmad Soomaaliyeed oo tidhaahda "Meesha aad qof ka qaadanayso qof baad kaga tegaysaa". Ta kale ninka hadimada iyo wax xun taliska ah waxa uu cawaaqibkiisu ka muuqan jiray naftiisa, maalkiisa iyo ubadkiisa, isla markaana cawaaqib-xumadaasi kama hadhin jirin sagaal awaw ama abadkiis, iyadoo dhinaca kalena uu dadka dhexdiisa ka noqonayo nin ceebo ioy naanayso leh oo canbaaraysan, bal eeg maahmaahan "Nin wiil lihi xeer ma duraanto, nin markhaati been ah kuu furay wuxuu yahayna ogaatay muraadkaagana ka heshay", waayo markhaatiga fududi nin-na waa u hiil, nin-na waa ku godob, laakiin ninka markhaati been ah furaa kalsoonidiisa iyo xeer-beegtinimadiisa, waayo mar hadii lagu yidhaahdo "Ninkaasi xaajo qaad ma aha", War-gal ma aha", "Hebel uga qaateen ma aha’ IMW waxa uu noqonayaa nin gabadhii guur-beeshay. Sidoo kale ninka ay maalin ka xumaato waxa raaci jiray jareexo iyo naanays aan abidkii ka hadhin, waana ta la yidhaahdo "Gole saymo, hoos-waliba hadalkiisa leh, golaha madhnaan lagagama tago", waayo golaha ama ceeb ayaad kaga tagtaa ama raganimo ayaad kaga tagtaa. Masallan ninka suuqa ka tow-tow leeya ee yidhaahda cidaas ayaa gardarran ee maxaa wax looga qaban waayey waxa la odhan jiray "farasow kacdaada iyo kadladaada isla sug".




Qormaddan waxa xuquuq badan oo dhanka qoraalka Sheekadda ah ku leh, soona ururiyay Cabdi Maxamed Xirsi (C/Salaan Caara-dhuub) oo ah nin dhaqanyahan ah isla markaana ah abwaan dhinaca gabayada iyo guud ahaan suugaanta ku af dheer.




Kaasoo qaybo ka mid ah ku daabacay Bogaga Suugaanta u gaarka ah ee Soomaalida.




La soco..




Wixii talo, toosin iyo tilmaan ah waxaan noogu soo hagaajin kartaan Ciwaanadda kor ku xusan..