Tuesday, December 3, 2013

Somaliland: Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta oo Ka Dareen Celiyay In Loo Cadaalad fallo


Hargeysa (GNA)- Shaqaalaha wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelint Somaliland ayaa soo dhaweeyay oo mahadiyay qaraar ay wasaaraddu ku gaadhay in la simo mushaharka iyo Gunnadda shaqaalaha oo farqi weyni u dhaxeeyay iyo in qof kastaaba dedaalkiisa lagu abaaliyo.




Go’aankan oo uu Wasiirka Warfaafinta Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) gaadhay inuu ugu cadaalad falayo shaqaalaha ayaa ah tallaabo yididiilo leh oo soo noolayn karta niyad-jabkii iyo mooraal xumadii shaqaalaha wasaaradda taasi oo la ciifisay curintoodii.




Mid ka mid ah shaqaalaha  wasaaradda oo ka cudur-daartay in magaciisa la shaaciyo ayaa soo dhaweeyay qorshe shaqaalaha wasaaradda  dib loogu qiimeeyay, waxaanu yidhi “Waxaan ku diirsaday tallaabadii uu Wasiirka Warfaafintu markii uu darsay xaaladda shaqaalaha uu Guddiga  u saaray inay ka soo warbixiyaan xaaladda guud  ee shaqaalaha iyo shaqadoodaba. Guddigaasi oo uu guddoomiye u ahaa Agaasimaha Guud waxa ku jiray Guddoomiyaha DAWAN, Agaasimaha Idaacadda Radio Hargeysa, Agaasimaha farsamadda iyo xubno kale. Runtii waxay  Gudidaasi soo saareen warbixin cilmiyaysan waxaanay shaqaalihii u kala saareen dhawr nooc oo kala ah shaqaale shaqaysta oo shaqadooda u guta sidii loogu tallo-galay, shaqaale aan shaqayn, shaqaale hawl-gab ah. Markaa waxay ku baaqeen in Gunnadda iyo mushaharka shaqaalaha isku derajada ahba la simo oo loo cadaalad falo, markaa waan soo dhawaynaynaa.”




 “Waxaad ka yaabaysaa oo Guddigii Wasaaraduna ka yaabeen inay ogaadeen in shaqaale aan shaqadaba ka soo xaadirin ay ka mushahar iyo gunnaba badan yihiin shaqaale shaqeeya, waxa kale oo gudigaasi daboolka ka qaadeen inay ogaadeen dad dhintay oo haddana mushaharkoodii socdo,”ayuu yidhi  ninkaas shaqaalaha wasaaradda ka tirsan.




Gabadh ka mid ah hawl wadeenadda Telefishanka qaranka ayaa iyaduna noo sheegtay inay si weyn  ugu guuxday in shaqaalaha la maseeyo, waxaanay tidhi “Tusaale ahaan waxaad arkaysaa nin darajadiisu tahay Grade B oo aan wax shaqo ah qaban oo qaadanaya 4 Milyan, mid kale oo (Grade A) ahina uu qaadanayo 650 kun oo shilin, taasi waa cadaalad darro iyo cudur xun oo saamayn ku yeelanaya quluubta shaqaalaha. Tallaabadan shaqaalaha loogu cadaalad samaynayaa waa mid qaranka u dan ah, shaqaalaha u dan ah. Waxaan qabaa haddii arrintaasi laga midho dhaliyo in shaqada qaranku ay noqonayso mid haybad leh oo shaqaaluhuna ay xiiso iyo dardar gelinayaan waajibaadkooda shaqo.”




 




“Waa nala bahdilay, quluubta ayaa nalaga qabsaday waxa mushahar iyo gunnaba loo kala badsan jiray sida qofba uu ugu dhow yahay madaxda, qof walba wixii uu goosto ha loogu abaal-celiyo, kii aan shaqaysanaynna iyo caaglahana ha nalaga saaro,”ayuu yidhi mid ka mid ah barnaamij soo saareyaasha ka hawl-gala TV-ga iyo idaacadaba.




Si kastaba arrintu ha ahaatee waxa maalmihii la soo dhaafay shaqaalaha wasaaradda warfaafintu ay isla dhex marayeen  inay jecel yihiin mar uun madaxdoodu u kala xaq qaado oo aanay soo kala dhawaysan.




 




Cumar Maxamed Faarax




cumarmfaarax@hotmail.com