Hargeisa(GNA)-Muwaadin reer Somaliland ah oo timaha ula baxay mudaharaadka ka dhan xukuumadda Siilaanyo ayaa cambaareeyay xadhiga suxufiyiinta dawladda Somaliland kula kacday.
Maxamed Cali Mataan ayaa qoraal uu na soo gaadhsiiyay ku sheegey inay talaabadani tahay cabudhin xukuumadda talada dalka haysaa ay xuquuqda aasaasiga ah ee shacabku leeyihiin. Qoraalkaas oo dhamaystirani wuxuu u dhignaa sidan;
‘Waxaan dhaleecaynayaa xadhiga maanta loo gaystay suxufiyiinta maanta la xidh xidhay. Waxaanan aad u canbaaraynaynaa talaabada xukuumadu ka qaaday saxafiyiintii mudaharaadka ay xaqa uu qof kastaa u leeyahay inuu waxa uu diidan yahay uu ku muujiyo. Mudaharaadkan salmiga ah iyagoon cidna wax dhib ah u gaysanaynin in la xidho oo xoog lagu muquuriyo.
Dadka waxaa kala xadeeya sharciga. Hadii sharciga la dhaafo ama la jabiyo garan mayno waxa loo jeedo. Manta waxay Somaliland ku faantaa waa nabadgalyo nabadgalyada, oo ku xidhan sharciga dalka u yaala. Dadku ma kala xoog wayne ee waxaa kala haga ee kala xadeeyaa waa sharciga. Markaa cidii sharciga gacanta ku haysay hadii ay shariciga jabiso dee la garan mayo cida sharciga hagaajinaysa. Markaa xukumada waxaanu ugu baaqaynaa in ay sharciga ilaaliso oo ay ka dayso dadka ay dad dhibanayaal ah waliba muquurin cudeedeen ugu darto.
Waxaanu xukumada ugu baaqaynaa in ay xal deg deg ah ka gaadho xadhiga ay u gaysatay suxufiintaas maanta la xidhay oo la xaliyo waxa ay tabanayaan. Waxaa wanaagsan oo wanaaguna ku jiraa in dadka shicibka la dhagaysto oo aan xaqoodana la baalmarin. Dawlada maanta talada dalka haysaa waa tii shalay mucaaridka ahayd ee cabanaysay dulmiga lagu cabudhinayay ee xukuumadii ka horeysay ay ku cabudhinaysay. Kuwan xidh xidhanna waa kuwii shalay ku garab taagnaa ee hiilkooda ay ku najaxday. Ma maanta markii ay mindida daabkeeda qabatay ayay ugu badashay abaalkoodii xadhig iyo xoog?’