Tuesday, December 3, 2013

Somaliland: Daawo Warbaahinta oo Maanta Mudaharaad Salmiya isugu soo baxay


 







Hargeysa(GNA)-Warbaahinta Madaxbanaan ee Somaliland ayaa sameeyay cabasho balaadhan oo ay ka soo horjeedaan go’aanka xukuumaddu ku sii deysay Eedaysane u xidhnaa weerar wargeyska Hubaal lagu qaaday bishii april ee la soo dhaafay. 




Wariyeyaal tiro badan ayaa saaka Hudheelka Emperial hortiisa cabashadooda ku muujiyay, halkaasoo markii dambe ciidanka bilaysku ka kala caydhiyeen, isla markaana qaarkood xabsiga u taxaabeen.




Suxufiyiinta ka qayb qaadanayay banaan baxa ayaa sitay boodhadh ay ku xardhanyihiin Ereyo ka dhan ah xad-gudubyadda Saxaafadda lagula kaco.




Bilayska ayaa gacanta ku dhigay, isla markaana qaarkood jajabiyay qalabkii wax lagaga duubayay suxufiyiintaasi.




Hase ahaatee halkan waxaanu idiinku soo gudbinaynaa muuqaal kooban oo laga duubay mudaharaadka warfidiyeenada ee Maanta. 




Halkan Daawo: