Sunday, December 15, 2013

Somaliland: Ma Siyaasadda gaadhay inaan Geerida Laysaga damqan?


Boorama(GNA)-Xukuumadda Somaliland waxay si badheedh ah uga aamustay Tacsida Geerida ku timi qoyska uu ka soo jeeddo madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, kaasoo hooyadii Marxuumad Aaddan Barre ku Geeriyootay magaalada Boorama todobaadkii hore.




Tani waxay muujinaysaa nacayb siyaasaddeed ama xidhiidhin la’aan ka dhexaysa xukuumadda Madaxweyne Siiaanyo iyo Ninkii talada ku wareejiyay oo mudnaan iyo qadarin badan laga filayay inay u hayso, balse taa bedelkeeda Madaxweyne Siilaanyo, ku-xigeenkiisa Saylici iyo Golaha wasiirradoodu kala masuugeen inay Tacsi uga diraan Geerida Naxdinta leh ee ku timi Hooyadii.




Waa mid ka mid ah sifooyinka qof nacaybnimada iyo cuqdada siyaasaddeed ee hogaamiye leeyahay, waxaanay dadka qaar tusaysaa inaanay bulshadu u sinayn aqalka dalka looga arrimiyo, khaasatan kuwa magaca iyo maamuuska qaranka ka mudan.




Daahir Rayaale ayaa ku sugan dalka faransiiska oo aan ka soo qayb gelin aaska hooyadii, inkasta oo la moodayay inuu dalka ku sugnaa tan iyo markii uu Madaarka Hargeysa ka soo degay bishii .. oo uu si bilaa saraaxad ah isagoo qof shiciba ah u yimi Hargeysa.




Qaar ka mid ah Bulshada ku dhaqan Gobolka Awdal ayaa arrintan ku tilmaamay magac xumo iyo nusqaan dul-hoganaysa mansabka Madaxtinimo ee qaranka oo uu fadhiyo Axmed Siilaanyo, waxaanay ka muujiyeen dareen taabanaya qofnimada iyo qaarnimada somaliland.




Sidoo kale qaar ka mid ah wargeysyada Madaxbanaan ee dalka ka soo baxa oo arrintan wax ka qoray ayaa tilmaamay inay tahay cunsuriyad fogaatay iyo cadaawad xukuumadda Siilaanyo u hayso Madaxweynihii saddex sanadood ka hor talada dalka ugu haneeyay sida quruxda iyo qiimaha badan xambaarsan ee caalamku ku bogaadiyay.




Daahir Rayaale ayaa siddeed sanadood Somaliland ku hogaaminayay nabad-gelyo iyo horumar meel fiican soo gaadhay, waxaana qof ahaan qadarin kasta oo uu leeyahay la wadaaga qoyskooda oo ku banaan in la xidhiidhiyo iyo in il sokeeye lagu eego.




Gobanimonews




Boorama O