Mudanayaasha qaarkood, hadda ayaa caqligu kusoo dagay, kadib markii ay la sheekeysteen naftooda & Damiirkooda waxaana usoo baxay iney gef ka galeen Ra'isalwaaarihii hore, Waxeyna qaarkood is ku qanciyeen iney u tagaan waydiistaana [CAFIS], waxaan oran karaa hadii ay la yimaadaan Ku dhacaas Waa Geesiyaal.
Laba Habeen ka hor, Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo uu wehliyo Ra'isalwasaaraha cusub waxey ku booqdeen hoygiisa Mudane Saacid.
Waxaa isweydiin mudan, maxaa Xasan Shiikh hore ugu booqan waayay, jawaabtu waxey tahay Damiirka Ayaa Diiday, wuxuse ka faa'ideystay Mudane C/Wali oo ay isku hayb yihiin Saacid, Intaas ayaa igaga filan madaxweynaha inaan si dhab ah u garto waxa uu yahay.
Marnaba Ilaawi Maayo, dhagartii lagu sameyay Dastuurka & Ra'isalwasaarihii hore, taariikhda aan beenta sheegin, waxbey iftiimin doontaa wakhti dhaw, maxaa yeelay wuxuu ahaa shirqool loo maleegay qof aan waxba galabsan lana yiri: [ISMA DIFAACI KARTID].
Waxaan ahay muwadin, Siyaasi ah waajibna saaran yahay, loona baahan yahay inuu ka run sheego dhacdooyinka kasoo burqanaaya kooxda yar ee [ISMAHDISAY] kuna bahowday Dulmiga, kuwaas oo kala ah: Urur Diimeedyada [DAM-JADIID & JAMAACATUL ISLAAMIYA].
Lagama yaabo inay inagu sii raagi doonaan maxaa yeelay, weynnu baranay waxa ay yihiin.
Intii ka dambeysay burburkii dowladii soomaaliya, taariikhda aan garanaayo dowladii ugu xumeyd, uguna dhagarta badneyd waa tan maanta jirta, oo aan hore iyo dib midna u soconeyn.
Marka ay dowladii sidaa noqoto, waxaa haboon in madaxdeedu is casisho oo gartaan amaanadii iney dib ugu celiyaan ummadii laheyd oo ah Soomaali yiraahdaana [Waan Wadi Kari Weynay Doorta Hogaan Cusub], sidaas ayaa dadnimadu ku jirtaa.
Caqabadaha lasoo darsaya Madaxweynaha waa balanqadyadii uu balan qaaday ee ku saleysnaa in Jiffi Walba uu yiraahdo waxaan idiin siinayaa Ra'isalwasaaraha hadii aad SAACID ridaan.
Murti ayaa oraneysa: [HARAG SAGAARO IIGA KAC MOOYEE, IIGA DURUG MA LEH].
Shacabka soomaaliyeed marnaba kuma qancayaan wasiiradii la soo eedeeyay in mar labaad la magacaabo bal akhri eedda sida ay u qoran tahay, meelna kama soo galo ra'isalwasaarihii hore, ee kuwa lagu eedeeyay waxqabad la'aanta waa kuwan hoos ku qoran:
1. Wasiirka Arrimaha Dibadda
2. Wasiirka Arrimaha Gudaha
3. Wasiirka Gaashaandhigga
4. Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada
Hadii ay dhacdo, in madaxweynuhu uu ku dirqiyo ra'isalwasaaraha cusub (Ilaahey Ballankii Ibtilaa Dhici Doonta) sababtoo ah Ma'aha kuwo qaadi kara xil dambe, waxaanu ilaashaneynaa dalka & Dastuurka xilna waa naga saaran yahay inkastoo aanan kuraas ku fadhiyin.
Cali Daacuun
KHABIIR SIYAASADEED