Xuska Munaasibadda 3 December oo noqotay dhegeysiga dhawaaqa Dhibaneyaasha laxaadka la’ iyo Madaxweyne Siilaanyo oo la hadlay. Dhegeyso
Hargeysa(GNA)-Xuska Maalinta Naafadda Adduunka ayaa laga xusay Somaliland.
Munaasibad balaadhan oo lagu xusayay maalintaasi oo ku beegan 3 Bisha December, ayaa lagu qabtay Magaalada Hargeysa.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka qayb-galay Munaasibadda.
waxaanu ka jeediyay Khudbad uu dadka Naafadda ah balanqaadyo ugu sameeyay.
Halkan ka dhegeyso Madaxweyne Siilaanyo oo la hadlay Naafadda, balanqaadna u sameeyay:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Codka-Madaxweynaha-ee-Xuska-Maalinta-Naafada-Aduunka.mp3"][/audio]
Boqolaal ka mid ah Naafadda ku dhaqan Magaalada Hargeysa iyo dadweyne kale oo tiro badan ayaa sidoo kale ka soo qayb-galay xafladaasi, waxaana lagu soo bandhigay baahiyaha nololeed ee ku gedaaman Bulshada Naafada ah qaybaheeda kala duwan.
Cutubyo ka tirsan Ciidanka Musikadda Qaranka ayaa socod ku maray Jidadka Magaalada ilaa Xarunta Hay’adda Shaqaalaha oo ah goobta ay munaasibaddu ka dhacday.
Sidoo kale waxa socodkaasi ka qayb-qaadanayay qaar ka mid ah Dadka Naafada ah oo cabirayay dareenka iyo xuska maalintan loo asteeyay.
Xukuumadda Somaliland ayaa munaasibadda ku wareejisay agab ka mid gaadiidka dadka Naafadaha ahi ku socdaan oo ka kooban Baaskillado iyo agab kale.
Agabkaasi waxa ugu deeqay Xukuumadda sida laga sheegay xafladaasi, waxaana gacan ka gaystay Hay’addo waddaniya iyo kuwo Caalamiya.
Guddoomiyaha Ururka Naadafa Somaliland Mukhtaar Cismaan Muxumed oo xafladaasi hadal ka jeediyay ayaa amaan u soo jeediyay Madaxweynaha dalka, oo uu ku bogaadiyay ka soo qayb-galka Xafladan.
Guddoomiyaha ayaa xukuumadda ka dalbaday in dadka Naafada ah saami shaqo laga siiyo Xafiisyada dawladda, isla markaana madaxweynuhu magacaabo la taliye kala shaqeeya arrimaha dadka Naafadda ah.
Sidoo kale wuxuu dalbaday in Kuraasta Xukuumadda dhexe saami laga siiyo, isla markaana ay dadkaasi helaan xuquuq siyaasaddeed iyo mid nololeed oo dhamaystiran.
Naafadda Somaliland ayaan 22kii sanadood ee somaliland jirtay marna helin xuquuq dhamaystiran oo dhanka Nolosha ah.
Waxyaabaha ugu daran ee dhibaatadu ka haysato wax aka mid ah la noolaanshiyaha dadka laxaadkoodu u dhanyahay oo aan inta badan daryeel aasaasiya siinin.
Tegista Goobaha waxbarashada iyo shaqo u abuurista ayay sidoo kale ka dhibanyihiin, waxaanay taasi sababtay in qaar badan oo ka mid ahi nolosha ka dhacaan.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com