Somalia:Reysal-Wasaaraha oo loo magacaabay Masuul Bangiga Islaamka u shaqayn jiray
Waayo Reysal-wasaaraha cusub, gobolkuu ka soo jeeddaa, muxuuse ka shaqayn jiray?Warbixin kooban
Muqdisho(GNA)-Cabdi walI Sheikh Axmed ayaa loo magacaabay Reysal-wasaaraha Somaliya.
Waxa uu bedelayaa Reysal-wasaarihii Baarlamanku riday laba todoobaad ka hor, kaasoo lagu eedeeyay inay xukuumadiisu ku fashilantay horumarinta dalka.
Waa Raysal-wasaarihii lixaad ee dalka soo mara tan iyoo bur-burkii dawladdii dhexe ee Siyaad Barre.
Waa Shakhsi siyaasad ahaan ku cusub dalka Somaliya, waxaanu ka shaqayn jiray Bangiga Islaamka dalka Sucuudiga, kaasoo uu u qaabilsanaa Barmaamujka Suuq geynta Xoolaha.
Deegaan ahaan waxa uu ka soo jeedda Beesha Raysal-wasaarihii hore ee la riday Saacid Shirdoon(Waa Mareexaan).
Ka sekow magacaabistiisa, sida uu sheegayo wariyehaga Gobanimonews ee ku sugan Villa Somaliya waxa hada socota oo munaasibadda Dhaarinta Masuulkan cusub.
Waxa uu waajahayaa hir-gelinta siyaasad la jaanqaadaa xaalada somaliya xiligan ku jirto iyo in horumarinta nidaamka waddanka ka jira.
Amaanka iyo dib u dhiska dhaqaalaha dalka ayaa ka mid ah waxyaabaha ugu waaweyn ee Somaliya xiligan u baahantahay in wax laga qabto.
Arrimaha dhismaha Maamuladda iyo qorshe siyaasaddeedka Nidaamka Federaalka ah ee 2016-ka ayaa ah arrimaha ugu waaweyn ee laga sugayo inuu guntiga u xidho.
Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayay tahay xulashadiisa ninkani hogaan lagaga maarmo xukuumadii Cabdi Faarax Shirdoon.
Laakiinse waxaasoo dhami waxay dhacayaan marka ay Golaha Shacabka Somaliya cod ku ansixiyaan.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com