Thursday, December 12, 2013

M/weyne Xasan Sheikh:c/wali waxaan ku Kalsoonahay inuu muddo gaaban ku samaynayo isbedel”


Muqdisho(GNA)-Madaxweynenaha Somaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa magacaabay reysal-wasaare cusub.




C/wali Sheikh Axmed ayaa loo magacaabay reysal-wasaaraha cusub ee dalka.




Xasan sheikh oo ku dhawaaqaya Reysal-wasaaraha ayaa yiri” Waxaan magacaabay Cabdiweli Sh. Ahmed oo aan aaminsanahay in uu yahay shaqsiga ugu haboon shaqadaan oo dib u dhiska dalka iyo ka soo kabashada dhaqaalaha sii wadi kara. Waayo aragnimo waxuu u leeyahay dhaqaalaha iyo horumarka oo uu hay’ado caalami ah soo hoggaamiyey.




 “Iyadoo ay jiraan caqabdo fara badan haddana waxaan aad ugu kalsoonahay inuu Cabdiweli muddo gaaban ku sameyn doono isbedel dhanka  dowlad wanaaga ah. Waxaana ka codsanayaa Baarlamaanka inay kalsooni siiyaan iyadoo loo eegayo danaha shacabka iyo dalka Soomaaliyeed.




 “Waxaan markale u mahadcelinayaa Ra’iisul Wasaarihii hore Mudane Cabdi Farah Shirdon oo shaqo wanaagsan soo qabtay, una rajeynayaa guul.




Maanta waa inaan labo jibaarnaa dib u dhiska hay’adaha dowliga ah oo aan isbedello la taaban karo si dhaqso leh u sameynaa oo aan dhaqangelinta federaalka iyo sidii doorashooyin lagu gaari lahaa 2016 aan ka wada shaqeynaa.”ayuu yiri Xasan Sheikh Maxamuud.