Thursday, December 12, 2013

Somalia: waa kuma Reysal-wasaaraha cusub ee la magacaabay


Muqdisho(GNA)-Wararkii ugu dambeeyay ee magacaabista reysal wasaaraha Somaliya ayaa sheegay in saacadaha soo socda lagu dhawaaqi doono Reysal-wasaaraha somaliya.




Warar laga helayo Madaxtooyada ayaa sheegaya in Xilkaasi loo magacaabayo Nin la yidhaahdo C/wali.




Inkasta oo la hadal hayay labadii maalmood ee ugu dambeeyay laba Nin oo aan ahayn kan iminka la soo qaaday, kuwaasoo kala ah Cabdi-waaxid Axmed Goon-jeex iyo Xasan Xalane, hadana wararkii ugu waxay tibaaxayaan in qof kale la waddo.




Si kastaba ha ahaatee warbaahinta ayaa looga yeeray aqalka Madaxtooyada, waxaana laga yabaa in goor dhow la magacaabayo qofka noqon doona Reysal wasaaraha somaliya, ee bedelay Cabdi faarax Shirdoon.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Kala soco wixii soo kordha