Kalfadhiga 3-aad ee Golaha Baarlamanku wuxuu xidhmayaa 31 December"Prof Jawaari
Muqdisho(GNA)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Somaliya Maxamed Cismaan jawaari, ayaa soo jeediyay in si dhakhso ah loo soo magacaabo reysal-wasaare cusub oo talada kala wareega kii hore ee Kalsoonida lagala noqday.
Prof. jawaari oo soo saaray wareegto awaamiir, war gelin iyo baaq isugu jirta, ayaa sheegay in 31 bisha December uu xidhmayo Kal-fadhiga saddexaad ee Golaha baarlamanka, sidaasi darteed loo baahanyahay in ka hor xiligaasi la soo magacaabo reysal-wasaare iyo xukuumad cusub.
Golaha Shacabka Somaliya ayaa saddex maalmood ka hor codka kalsoonida ah kala laabtay xukuumadda Raysal-wasaare saaci, taasoo si ku meel gaadh ah shaqada u sii wadaysa inta xukuumad kale laga soo dhisayo.
Loolanka loogu jiro reysal-wasaaraha cusub ayaa si weyn looga daremayaa aqalka Madaxtooyada, waxaana jira dhawr qof oo si wayn loo hadal hayo, kuwaasoo uu ka mid yahay Reysal-wasaarihii hore ee dalka Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.
Guddoomiye Jawaari ayaa shaaciyay in hadii mudada ka hadhay xidhitaanka Kal-fadhiga Golaha reysal-wasaare cusub lagu keeni waayo uu wakhti korodh fadhiyada Golaha ahi iman doono, taasoo sababi karta fadhi aan caadi ahayn oo Golaha laysugu yeedho.
Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa laga sugayaa soo magacaabista reysal-wasaare cusub oo bedela kii hore ee ay wada shaqaynayeen sanadka iyo dheeraadka.
Dadka ka faaloodda arrimaha siyaasadda somaliya ayaa walaac ka qaba xaalada cusub ee dalku ku jiro iyo khilaafkii kala kaxeeyay labada masuul ee dawladda, waxaanay qaarkood rejo aan wanaagsanayn ka bixinayaa micnaha uu samaynayo reysal-wasaare cusub oo la soo magacaabaa.
Hase ahaatee Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa shacbiga ka codsay inay aaminaan, isla markaana kalsooni ku qabaan reysal-wasaaraha cusub ee uu soo magacaabi doono.
Wareegtada Guddoomiyaha Baarlamanka ayaa u dhignayd sidan:
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com