Boorama(GNA)-Xalay ayay ahayd markii saaxiib aan aad iskugu dhawnahay ii sheegay in wariye cali ismaaciil Aare ku xidhan yahay saldhigga dhexe ee Borama,kadib waan sii xoodaamay oo waxan raadiyay ujeedada lagu xidhay weriyaha, dhawr qof oo aan is lahaa waa xog ogaal ayaa ii sheegay in cali lagu xidhay war uu ka sameeyay shirkad la wareegtay ka shaqaynta qashinka magaalada.lakin ujeedada wariyaha lagu xidhay sidaas ma aha.
Saakay markii uu waagu baryay, abbaaro tobankii subaxnimo ayaan tagay saldhigga dhexe ee magaalada si aan ugu kuur galo ujeedad rasmi ah ee ka dambaysa xadhiga weriyaha,kadib markii aan waydiiyay askarta meesha uu ku xidhay weriyuhu ayaa waxa la ii tilmaamay qolka uu ku xidhan yahay oo ah qol yar oo aad u qabaw oo ay ku xidhanyihiin qiyaastii ilaa shan qof oo uu weriyuhu ku jiro. Intaa ka dib waxan la hadlay Cali Ismacil Aareh oo ah weriyaha waxay indhahaygu qabteen cali Ismaciil oo xidhan garan jaalle ama huruud ah oo taagan albaabka dhiciisa dambe, waan ku dhawaaday waxaanan waydiiyay sababta lagu xidhay, wuxuu ii sheegay cali in lagu xidhay waraysi uu ka qaaday ganacsatada dhuxusha iibisa oo ka cabanayay maamulka dawladda hoose, hasa ahaatee uunan warkaasi baahin, kadibna maayarka ayaa askar la socotay baabuurkiisa amar ku siiyay in la i xidho oo la igu hayo saldhiga ,ayuu yidhi weriye Aareh Waxa kale oo uu intaasi ku daray weriyuhu in xaaladiisa caafimaad aynan fiicnayn oo uu xanuun ka dareemayo dhinaca kaliyahay.
Si aan arintan xaqiiqdeeda wax uga ogaado, waxan tegay xafiiska mayarka oo xilligaasi ahaa mid aad u mashquulsan, in muddo ah oo aan sugayay maayarka waxa ii suurto gashay inaan maayark xafiiskiisa gudaha u galo, markii aan fadhiistay kursi dhinaca woqoyi kaga began mayarka waxa soo galay xafiiska saddex masuul oo u socday arinta xadhiga weriyaha oo uu ka mid yahay, weriye Cumar Bashiir, Ibrahim Siciid oo ah masuul ka tirsan hay’adda HAVAYOCO iyo nin oday ah oo magiciisu ahaa Ardaale. Oday ardaale ayaa waydiiyay mayark sababta uu ku xidhay weriyaha, wuxuna mayorku ku jawaacabay;” Anigoo xafiiska kasii baxaya ayaan kulanay cali ,wuxuuna watay warqad waxan ku idhi waansoo laabanayaaye I sug ,waraaqdiibuu jeexjeexay cali oo wejiga ayuu igaga dhuftay, waan iska dulqaatay ileen masuul baan ahaye,kadib irridda hore ee dawladda hoose ayaan ku arkay cali oo wada kicin oo abaabulaya ganacsatada dhuxusha oo arin kaga xidhnayd dawladda hoose, waxa baabuurka ila saarnaa taliyaha saldhiga bariga waxanaan amar ku siiyay in weriyaha la xidho, runtii weriyahu waxa kale oo uu aflagaadeeyay taliya oo ku labisan dirayskii ciidan kadibna waan xidhnay.”
Intaa kadib waxan waydiiyay maayarka sharciga uu ku gartay war aanan la baahin inuu ku xidho weriye gudanay shaqadiisa oo waraysanaya ganacasato ka cabanaysa dawladda hoose, wuxuuna ku jaawaaba mayarka Borama saleban X.Xaddi weriyuhu wuxuu waday kicin oo wuxuu abaabulayay ganacsato dawladda hoose arinkaga xidhantahay.waxa hadab iswaydiin mudan mayarka Borama muunan aqoon u lahayn sharciga iyo saxaafadda? Mise maayarku wuxu maldahayaa arin gaar ah oo ka dhaxaysa isaga iyo weriyaha? weriyese xadhig ma ku mutaysan karaa waajib saaran oo uu gutay?
Jawaabaha su’aalahan waxan helay kadib markaan dhuuxay xikmaddi oday Ardaale oo kamid ahaa ergada mayarka ugu timid arinta weriyaha oo mayarka ku yidhi:” Adeer waxa jiri jiray Boqor, ninka uu boqorkaasi wax ka dareemana wuu xidhi jiray,xataa qofkii ka cadhaysiiya wuxuu xidhi jiray illaa markii dambe loo bixiyay Xidhaaye, ee Adeer arintani maaha wax qof bini aadam ah oo xataa wajibkiisa gudanaya lagu xidhee iska siidaa weriyaha yaanan adigana xidhaaye laguu bixine.” Markii uu intaasi dhagaysay ayaa mayarku qalin uu gacanta ku hayay ku dul tuuray miiskii uu dul fadhiyay wuxuuna si cadho ka muuqato u yidhi,” masii daynayo ee sharciga ayaa inna kala saari”.
Gabagabadii waxaan yaqiinsaday in maayarka Borama weriyaha u xidhay arimo hore oo isaga iyo weriyaha ka dhaxaysay, waayo waxa uu carabku ku adkeeyay oo uu ka sheekeeyay dhawrjeer oo hore oo ay isqbteen weriyaha, wayna iska caddahay in weriyhu u xidhan yahay sifo sharciga baalmarsan oo uu mayarku sharci u ekaysiinayo.Halkaasna waxa laga dhadhansan karaa in maayarka Borama uunan lahayn dulqaadkii lagu yiqiinay maayaraddii hore ee soomaray Borama.”Danta shacabka,horumarka ganacsatada magaala iyo xoriyadda saxaafaddu waxay ku xidhan tahay in la helo maayar dulqaad iyo dabeecad wanaagsan leh arintaasina waxay u taalla xildhibaanada dawladda hoose oo looga fadhiyo sidii ay xulan lahayeen maayar cusub oo jagadaasi buuxin kara ”, ayuu yidhi masuul ka gaabsaday in magiciisa la xuso oo u dhuun daloola dawladda hoose oo aan kula kulmay xafiiska mayorka Borama hortiisa oo aan wax ka waydiiyay xadhiga weriyaha.
Lasoco qaybta 2aad..
Weriye Mursal Elmi Omer
Borama