Wednesday, December 4, 2013

Hooyo Somaaliyeed oo Tahriibka dhalinyarada Gabay ka tirisay


Maanta oo ay taariikhdu tahay 04/12/2013 waxay Abwaan koos Jaamac Dhunkaal ay soo saartay Gabay la magac baxay Duufaan oo ka hadlaaya Aafada Tahriibtu ay ku hayso dhalinta Somaliyeed meel ay joogaanba,




 




Duufaan baa ina soo galay




ka  ducaysta  daraf yada




Horta dulucda maansada




 dadka hay ila eegaan




Damqashada xanuunka leh anuunbaa




 dareemee  da’a yartaydu may garan




meeday dawladaydii  dus-dusliyo af miishaar 




raggii doobta dheeraa  dhaliilaha daldali jiray




maxaan loo dareemayn da’yartaa




dhamaatee  dilaaliintu qaybsheen  




Haadu diiranaysee lagu daadshay saxaraha.




Daa’inow Allahayow  Deeqlow Illaahow 




Daayimal Raxmaanow




Darajaalihiyow  dunidaba ka uumee




 hadana daadajinayow  dagdeg ii ajiiboo 




Dalabkayga iga yeel  Da’yartaa dhamaatee




haadu diiranayso  iimaanka deeqsii oo  dalka  iigu soo celi .




 




Waa lagu  haleeyee hooyo




Waa lagu hagraday hooyo




 Waan laguu hadlayne hooyo




 Hanfi kuma haleeleen hooyo




Haadu kuma dal dalateen hooyo




Ma hadh galo habeenkii hooyo




Dharaartii ma haybsadee hooyo




Hurdo seexan waayay hooyo




 




Ana hawdka ha igelin hooyo




Adna haada ha u tagin hooyo




Waa halis tahriibtuye hooyo




 




Waa hoyga naartee  hooyo




Waa holac baxaayee hooyo




Waa horor  ku cunaayee hooyo




 




Anna halista ha igo’oyn hooyo




Adna haada haw u tagin hooyo




 




Waa hodon dhulkeeni ee hooyo




Waa lama huraane hooyo




 Waa heli aduunyo hooyo




Waa halaagii doonta hooyo




 




Anna hawdka ha i galin hooyo




 




Adna haada ha u tagin hooyo




 Waxaad tahay hugaygii hooyo




 




Halbowlaha wadnaha hooyo




Beerkayga laga hugay hooyo




Ana halista ha i goyn hooyo




 Adna haada ha u tagin hooyo




 




 waa  hodon dhulkeenu hooyo




 waa lama huraane hooyo




hanfi  iyo dabayl ma leh hooyo




 horor iyo  dabqaad ma leh hooyo




diintaada hodonka ah waa inaad ku hirtaa  hooyo




 Adna haada ha u tagin hooyo




Ana halista ha i goyn hooyo