Thursday, December 5, 2013

Shirkadda Beder oo Adeeg Koranto oo 24 saacadood ah ka hirgelinaysa Magaalada Sheikh


 







Sheikh(GNA)-Degmada sheekh  ayaa Markii ugu horaysay shirkada Laydhka ee Beder dhagax dhigtay Xarun laydh oo Cusub kaas oo bixi doona habeen iyo maalinba.




Arrintan ayaa ah talaabo shirkaddu doonayso inay ku horumariso adeegyada ay bixiso ee Korantada.




Maayarka Degmada sheekh Ibraahin C/laahi Cabsiiye ayaa soo dhaweeyay hir-gelinta adeegan Shirkada laydhka, waxaanu sheegay inay markii hore ay magaalada sheekh dhibaato ku haysay Laydh yaraantu oo ay Habeenkii oo kaliya heli jireen laydhka.




Munaasibad balaadhan oo loo qabtay dhagax dhiga xaruntan shirkada ayaa waxa ugu horayn ka hadlay Maayirka Degmada Sheikh.




''waan u mahadnaqaynaa shirkada Beder Maantana Magaalada sheekh waxay u tahay maalintii cadayd,waayo makii hore cisbitaalka sheekh qaybta umulaha habeenkii toosh baa lagaga dhaliyaa,hadana waxa uu heli doonaa laydh maalin iyo habeen ah oo iftiin bay gabadhu ku umuli doontaa,sidoo kale laydhku habeenkii amaanka ayuu  wax ka tari doonaa,shirkada Bederna waxay ka qaybqadataa Horumarka dadka oo lacagta ay inaga hesho wax abay inanagaga soo celin doontaa sida magaalooyinka kale ee ay ka hawl gasho.mana sina madawga iyo iftiinku.sidoo kale Gudoomiyuhu waxa uu sheegay inuu wax wayn ka tari doono laydhku wax barashada ardayda”ayuu yidhi Maayir Obsiiye.




Maareeyaha shirkada Beder Khadar Jibriil Aadan ayaa isna sheegay inay diyaar u yihiin inay  qayb qataan horumarka degmada sheekh,waxaanu maareeyuhu balan qaaday inay Bilaash ku shidi doonaan adeegyada Bulshada,sida Dhakhtarka iyo saldhigyada.waxaanu Balan qaaday inaanay magaalada Sheek dib u laydh la,aanayn.




Xidhibaan Maxamed Faarax Kooshin iyo qaar ka mid ah dadwaynaha reer sheekh ayaa iyana aad u soo dhaweeyay,in laga ir galiyo layd habeen iyo maalinba ah. 




Axmed Muuse Maxamed




Gobanimonews




Burco Office