Wednesday, December 4, 2013

Somaliland:Xukuumadda oo Kordhisay Xad-gudubyada Siyaasadda


Xad-guddubyo ku biiraya Utumo hore oo loogu jaar dhaafay ayaa sababi kara Kacdoon shacbi"Warbixin



Hargeysa(GNA)-Xukuumadda Somaliland ayaa kordhinaysa marba marka ka dambeysa cadaadis iyo culayska siyaasadeed ee lagu xadiidayo xoriyadda Saxaafadda iyo Xisbiyada Mucaaridka ah.



Bulshada ayaa sidoo kale la qabta Cadaadiskaasi Asxaabta iyo warfidiyeenada waddanka ka hawl-gala,kuwaasoo labadii maalmood ee ugu dambeeyay loo geystay xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda Dastuurku u ogolyahay.



Dadweynaha ayaa si weyn u hadal haya, muujinayana dareen cadho ku lamaantahay oo ay ka qabaan talaabooyinka xukuumaddu qaadayso iyo xad-gudubyada ay kula kacayso labadan garab oo ah kuwo Dastuuriya oo qaranka Kaalin mug leh ugu jira.



Xaasaasiyad ay ka qabto xukuumaddu shirka doodda qaran ee Xisbiyadu abaabulayaan ayaa loo aanaynayaa inuu salka ku hayo qorshe ay doonayso inay ku xadiido dhaqdhaqaaqa xisbiyadda.



14 Bishan December ayaa lagu wadaa inay Xisbiyaddu qabtaan Shirkan xukuumaddu saska ka qabto oo sida ay indheer garadka siyaasaddu tilmaamayaan kheyr mooyaane shar aanu ku jirin, laakiinse su’aalbaa wali ka taagan inay qabsoomi iyo in kale, sababtoo ay tahay waxa jira dareemo iyo dhaqdhaqaaqyo muujinaya inay awood isku hortaagayso xukuumaddu.



Wefti ka socda Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid ayaa maanta oo Arbaca ah layska hortaagay inay booqdaan Gobolka Gabiley oo ay hawlo shaqo ugu baxeen Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbigaasi iyo xubno sar sare oo la socday.



Xisbiga Ucid ayaa ku dooday in layska hortaagay mid ka mid ah hawl-maalmeedkoodii shaqo ee Maalinlaha ahayd, taasina ay gef iyo xad gudub ku tahay xisbi ahaan iyo qaranka Somaliland.



“safarkayagu wuxuu ahaa hawl-maalmeedkii xisbiga ee caadiga ahaa oo ay naga hor-istaageen, taana waxaan u aragnaa ku tumasho sharci iyo xad-gudub naloo geystay, dastuurkaana noo fasaxaya inaanu hawshayada xisbinimo qabsano” sidaasi waxa yidhi Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Ucid oo warbaahinta ka hadlay markii la soo celiyay ka dib.



Balse Guddoomiyaha Gobolka Gabiley ayaa weftiga xisbiga ucid ku tilmaamay olole siyaasaddeed oo lagu baabinayo raadkii Madaxweynuhu todobaadkan ku tegay gobolka, waxaanu intaasi ku daray inay abaabul badan iyo dhaqdhaqaaq xisbigu ka samaynayo Magaalada Gabiley ay dareemeen.



Guddoomiye Yamaarig, ayaa ku dooday inay weftigu sharci daro ku socdeen, maadaama oo aanay wax ogolaanshiyo ah safarkooda uga soo qaadan wasaaradda arrimaha gudaha “waxay ahayd hadii ay imanayaan gobolka inay Fasax ka soo qaataan Wasaaradda arrimaha gudaha”ayuu u sheegay Ideecadda VOA-da.



Doodda labadan masuul ee u kala hadlay Xukuumadda iyo Ucid ayaa aad u kala fog, balse isweydiinta ka soo dhex baxday ayaaa ah,  goorma la soo rogay sharciga xukuumadda looga fasax qaadanayo shaqo maalmeedka Xisbiyadda iyo dadka arrimaha siyaasadda ku foogan.



Ma jirto cid su’aashan jawaab labaad u haysa, hase ahaatee hadal haynta lagaga fal celiyay hadalkan ka soo baxay masuulka Gobolka Gabiley ayaa tilmaamaysa la yaab iyo awood sheegasho sharciga lagu dabaqayo oo aan ilaa hada daliil cad loo haynin.



Ka hor  dhacdadan maanta ee xisbiga Ucid, waxa shalay xabsiga loo taxaabay afar suxufi oo ka hawl-gala Warbaahinta dalka, kuwaasoo la qabtay xili ay qayb ka ahaayeen cabasho caam ah oo saxaafaddu kaga soo horjeedo go’aanka lagu sii daayay Nin Eeddeysane ku ah Weerar wargeyska Hubaal oo ka soo baxa Hargeysa lagu qaaday bishii 4-aad ee sanadka.



Suxufiyiintaasi oo aan ilaa hada la ogayn, jirina wax dambi ah oo aan ka ahayn dareen cabirka cabashada xambaarsanaa ee saxaafaddu u dhamayd, ayaa ku xidhan qol ka mid ah Saldhiga dhexe ee Caasimadda Hargeysa maalintii labaad.



Ma jirto gar iyo garowshiyo toona waxay xukuumaddu ka bixisay xadhiga wariyeyaashaasi, waxaanay saraakiisha bilayska iyo kuwa Hay’addaha kale ee Dawliga ahi ka war wareegayaan inay caddeyaan sababtoo loo haysto, inkasta oo ilo wareedyo laga soo xigtay Taliska bilayska tibaaxayaan in Mudaharaad sharci daro ah abaabuleen.



Kiiska Wargeyska Hubaal ayaa tan iyo markii uu dhacay Mugdi badan iyo awood sheegasho  ay ku lamaantahay aar-goosasho siyaasaddeed ka jiray, waxaanay ilaa hada Masuuliyiinta Wargeyska iyo Bahda saxaafadda Somaliland dhibane u yihiin Kiiskaasi oo muddo dhaafay.



Kuma koobna oo kaliya labadan dhacdo ee is-xigay labadii maalmood ee ugu dambeeyay, balse ku biirayaan tobanaan udumood oo ka dhan ah xuquuqda Bulshada iyo shuruucda dalka u yaala oo ay xukuumaddu kula kacday dad sumcad iyo karaamo ku leh dalka.



Xukuumadda ayaad moodaa inay iska indho tirayso Dastuurka iyo qawaaniinta waddanka uga yaala arrimaha ay cadaadiska ku saarayso Saxaafadda iyo Xisbiyadda, taasoo hadii aan xal waara loo helin dhaawacaysa dimuquraadiyada iyo kala dambeynta dalku ku caano maalay.



Dastuurka Somaliland ayaa si buuxda u damaanad qaadaya xaq u laanshiyaha Mawaadiniinta ee dareen muujinta caamka ah iyo ka khaas ahaaneed, sida in dadku dareenkooda u cabiri karaan si xor ah marka ay cabasho timaado.



Abuurista Xisbiyo qaran oo siyaasada la wadaaga xukuumadda, kulana tartama xiliyadda Doorashada ayaa ah arrin ku dhisan Sharci lama taabtaan ah, isla markaana Ixtiraam iyo qadarin u baahan.



Si kastaba ha ahaatee Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa looga fadhiyaa inuu wax ka qabto talaabooyinkan xaasaasiga ah ee ay xukuumaddiisu qaadayso, si dalku uga badbaado Kacdoon shacbi iyo iska hor-imaad bulsho.



Saleban Cabdi Cali



Gobanimonews



Hargeysa Office



Email: editor@gobanimonews.com