Thursday, December 5, 2013

Somaliland: Suxufiyiin xidhan oo Maxkamadda la horkeenayo Beri


"Waxa laga joojiyay booqashada dadka iyo masuuliyiinta"




Hargeysa(GNA)-Wariyeyaal ku xidhan Saldhiga dhexe ee Caasimada Hargeysa ayaa loo diiday booqashada iyo inay dadku la kulmaan.




Arrintan ayaa ah cadaadis dheeraad ah oo la saarayo suxufiyiintan oo maalintii shalay xabsiga loo taxaabay.




Masuuliyiin ka tirsan Ururadda Saxaafadda Somaliland iyo dad kale oo booqanayay Suxufiyiintaasi ayaa loo diiday inay u tagaan Maanta.




Suxufiyiinta iyo Eheladda afartan Wariye ayaa walaac weyn ka muujiyay talaabadan, waxaanay ku tilmaameen cadaadis iyo tacadi dheeraad ah oo lagula kacay xuquuqdooda Mawaadnimo iyo maamuska leeyihiin.




Dhinaca kale, masuul sare oo ka tirsan Telefishanka Bulsho oo lab aka mid ah wariyeyaashan ka hawl-galaan ayaa Gobanimonews u sheegay in Taliyaha Bilayska laga soo xigtay in berri nimankaasi la keenayo Maxkamadda.




Sarkaalka u hadlay Bulshotv ayaa intaasi ku daray in isaga laftiisa laga hor-istaagay inuu booqdo, isla markaana Jal iyo wixii kale ee ay baahanyihiin u geeyo.




“Waxa nalugu yidhi Berri ayaa Maxkamadda la keenayaa Afarta wariye, waana naloo diiday xataa inaanu cuntada u geyno”ayuu yidhi.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Ciidanka Bilayska oo maalintii labaad afarta suxufi u xidhanyihiin.




Magacyada wariyeyaasha ayaa kala ah:




Siciid Khadar CabdilaahI Madaxii Wararka ee Bulshotv




Xasan Maal Dhidar oo farsamo yaqaan ka tirsan ah Telefishanka Universal




Cabdisalaan Cabdirashiid oo farsamo yaqaan ka ah Bulsho iyo Cabdicasiis Bashiir oo ka shaqeeya mareegaha dalka.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com