Tuesday, December 3, 2013

Puntland: 40 Dhalinyaro laga soo daayay Xabsiyada Maldives ah oo Gaalkacayo la keenay


Gaalkacayo(GNA)-Waxa laga soo dejiyay Maanta madaarka Diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacayo 40 Nin oo dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo muddo sanado ah Faldambiyeedyo budhcadnimo iyo xad-gudubyo ugu xir-xirnaa xabsiyo ku yaala jasiiradda Maldives ee badweynta India.




Raggan oo xiliyo kala duwan laga qabtay biyaha Bad-weynta,waxay sii deyntoodu ka dambeysay ka dib markii shalay wefti uu hogaaminayo madaxa Hay’adda la-dagaalanka Budh-cad badeeda Puntland Jasiiradda Maldives u tageen sidii ay maxaabiistaasi ula soo wareegi lahaayeen.




Boqolaal Maxaabiis reer Puntland ah ayaa ku xidhan xabsiyo kala duwan oo Caalamka ku yaala, kuwaasoo qaarkood xabsiyo dhaadheer lagu xukumay.




C/risaaq Maxamuud Dirir oo ah Agaasimaha Xafiiska la dagaallanka burcad-badeedda Puntland, oo dhallinyaradan horkacayey ayaa warbaahinta u sheegay in muddo dheer ay dadaal ugu jireen sidii dhalinyaradan loo soo deyn lahaa ayna ku guuleysteen arintaas.




 “Dhallinyaradaan maahan burcad badeed waxay xabsiyada ay ugu jireen falal la xiriira inay ku soo xad-gudbeen biyada Jasiiradda Maldives, waxayna dalkaasi ku xirnaayeen tan iyo sannadkii 2009-kii” ayuu intaa ku daray C/risaaq Maxamuud Dirir.




Agaasimaha la dagaalanka burcad-badeeda Puntland ayaa sheegay in dhalinyaradan xoriyadooda loo soo celiyay, isagoo intaa ku daray in Puntland xilli walba ay ku dadaalayso sidii dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku xir-xiran dalal dhowr ah loo soo dayn lahaa, gaar ahaan kuwa ay cadaato inaaney burcad badeed aheyn.




Dhalinyaradan oo duruufo nololeed xabsiyada ku haysteen ayaa qaarkood ilmeeyeen markii ay Madaarka soo gaadheen.




Puntland ayaa ka mid ah meelaha ay budhcad badeeda somalidu maraakiibta ugu badan ka qafashaan tobankii sanadood ee ugu dambeeyay.




Sababo la xidhiidha isku dhex jirka Bulshada caadiga ah iyo kooxaha Budhcad badeeda ah, ayaa loo xidh-xidhay dad badan oo aan ka mid ahayn Kooxaha wax qafaasha.




Gobanimonews




Garoowe Office




Email: editor@gobanimonews.com