Hargeysa(GNA)-Shir lagu lafo guray dejinta Siyaasadda Warshadaha dalka ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Hargeysa Maanta oo Salaasa ah.
Kulankan oo socday muddo saddex maalmood ah, kana soo qayb-galeen inta badan daneeyayaasha Wershadaha dalka ayaa waxa shalay soo xidhay Wasiirka Wershadaha somaliland Abiib Diiriye Nuur , kaasoo munaasibadda xidhitaanka sheegay in ujeedada laga leeyahay kulamada noocan ay tahay sidii loo abuuri lahaa dariiq lagu maamulo wershadaha dalka.
“kulankan waxaanu u qabanay inaanu helno siyaasad wershadaha dalka lagu maamulo, maadaama oo ay wasaarada wershaduhu toban bilood oo qudha jirtay” ayuu yidhi Wasiir abiib oo halkaasi ka hadlay.
Wasiir Abiib ayaa sheegay in natiijada kulankan ay Wasaarad ahaan xukuumadda ilaa heer madaxweyne gaadhsiin doonaan, si loo dhaqan geliyo, isla markaana shuruucda dalka loo waafajiyo.
“kulankan iyo mid kale oo ka horeeyayba waxa lagu soo bandhigay daraasad lagu sameeyay baahiyaha wershadaha, waxaanan u mahad celinaynaa cid kasta oo nagala qayb qaadatay”.
“waad ogtihiin wershaduhu waa sheyga qudha ee bulsho ku gaadhi horumar, waxa la helayaa shaqo abuuris, wixii ay soo saartay ayaa la iibinayaa, wadamada wershadaha lihina waa kuwo horumaray, sidaasi darteed waxaanu xooga saaraynaa sidii aanu dalka uga sameyn lahayn wershado wax soosaara, si dadkeenu shaqo uga helo”.
Waxaanan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa Ururka Wershadlayda somaliland oo gacan weyn siiya wershadaha dalka iyo Wasaaradda labadaba”ayuu yidhi Wasiir Abiib timo cadde.
Dhinaca kale waxa halkaasi ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Wershada Cabdi Guray, kaasoo ku dheeraaday muhiimadda iyo munaafacaadka wershaduhu u leeyihiin dalka, bulshadana ugu baaqay inay tashadaan oo ay wax soosaarka dalkooda dhiiri geliyaan.
Agaasimaha ayaa soo jeediyay in baahi weyn loo qabo Wershado farsameeya Qasaaca Kalluunka, Digaaga, Khudrada iyo wax kasta oo lagama maarmaan u ah nolosha bulshada somaliland.
Shirkan ayaa noqonaya kii labaad ee wasaaradda Warshaduhu qabato bilihii ugu dambeeyay, waxaanu qayb ka yahay dedaalo wasaaradda wershaduhu ugu jirto sidii dalku u yeelan lahaa wershado wax soosaara oo lagaga maarmo baddeecadaha dibada looga soo dhoofiyo.
Khadar Maxamed Xaashi
Gobanimonews
Hargeysa Office